Cabdi iley ayaa silama filaan ah shalay ugu ambabaxay magaalada Dirdhabe, waxaana jira warar sheegaya inay xalay wada joogeen Raas hotel general Abraham iyo Cabdi iley kana wada-tashanayeen arimo badan oo Cabdi iley kusoo kordhay kana mid yihiin afduubkii iyo qabashadii ay sirdoonka ethiopia qabteen dadkii soo afduubayey Axmadnuur arintaas ooy aad ugu yaaban yihiin saraakiisha sare ee sirdoonka Itobiya iyo sidoo kale xisbiga talada dalka haya ee EPRDF oo lasheegayo in aay meel dhigtay in Cabdi iley talaabo laga qaado. Dhinaca kale Cabdulaahi Itobiya ayaa isna shalay looga yeedhay Addis ababa inkasta oo loo maleeynayo in aay la xidhiidho arintaas afduubka ooy shaki weeyn ka muujinayaan sirdoonka Itobiya una arkaan in aay khataro kale keeni karto hadii aan hada wax laga qabanin.

Dhinaca kale warar hoose oon ka helnay dad aad uga agdhaw Cabdi iley ayaa sheegaya in uu Cabdi iley doonayo in uu ka fuliyo falal argagixisonimo ah meelo degaanka kamid ah gaar ahaan magaalada Jigjiga si uu dadka u mashquuliyo ugana sii jeediyo arimahan socda. Waxaa kale uu doonayaa in uu xogta shacabka ku aflageedeyo kuna cabsi galiyo masuuliyiinta uu isleeyahay waxaay ku farxi karaan arimahan ku haaysta hada. Wararka kale ee muhiimka ah waxaa ka mid ah Cabdi iley oo doonaya inuu qabto shirar kale oo badan oo ku saabsan alshabaab iyo maxaaynu ka yeelnaa iyo waxaanu macsuumeynaa culamada Soomalida si aay u canbaareyaan alshabaab.

Hadaba waxaa muhiim ah inay dadka degaanka aad ugu digeeynaadaan shirqoolada cabdi iley oo aay iska ilaaliyaan liyuu booliska iyo xubnaha kale ee uu adeegsan karo guud ahaan.

Waxaa kaloon idiin haynaa warar kale oo xasaas ah oon daba socono sugitaankooda ee naga warhaya.

Noora Afgaab/Jigjiga.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay