Taariikhda halganka Ogaadeenya lagu xoreynayo ayaa soo maray marxalado kala duwan, wuxuuna halganka yahay ama lagu tilmamaa kuwa ugu faca weyn oo umado badan oo isku xili labilaabay ay maanta calan ku leeyihin Quruumaha midoobay (Qaramada Midoobay) kuwaas oo markaas soo maray marxalado kale duwan ayaga oo dhib badan u soo maray.

Taariikhwabla oo aduunka ka dhacda waxay reebtaa reed ama xasuus qoranta taas oo ay dadka maanta jooga & kuwii tahay lagu kala saaro ayada oo taariikdu noqota mid xun oo loo nisbeeyo cidii gashay & mid wanaagsan oo loo nisbeeyo cidii samaysay waxaana tusaale u soo qaadanaynaa Halgankii dheraa ee ay soo galeen ururka ANC ee dalka K/Africa ayaga oo mudo 100 sano kabadan ku soo jiray dagaal aad u dheer oo hadba heer soo maray kaas lahaa hal ujeedo ah wuxuuna ahaa in ay umadda ku dhaqan K/Africa ka tashadaan aayhooda, waxaana looxidhay loona laayay kumanaan,waxaana ka soo horjeeday kumanaan waxayse taariikhdu shaashadda soo sartaa inta wanaaga samaysay ee naftooda qaaliga ah u huray in aynan yeelin dulaysiga waana kuwa maanta lagu xar-xardho walimada dahabka ah ee uu ugu horeeyo Nelsal Mandeela oo ah halyayga aduun aan maanta kunoolahay wuxuu ku noqdayna waa go’aanka & inuu dantiisa gaarka ah ka doorbida mida guud.

Dhanka kale shacabka Soomaaliyeed oo isku ujeedo ahaa waxaa xiliyadaas gumaysanayay dawladihii damucu waalay ee reer Yurub ayaga oo umadda Soomaaliyeed u kala qaybiyay 5 qaybood, qaybwalaba dhib ku filan qoorta loo sudhay waxayna umadda Soomaaliyeed ee xilisaan go’aansadeen in ay heeryadda gumaysiga iska dun qadaan ayaga oo ku midoobay midnimadda umadda Soomaaliyeed oo isku qanciyay inta qof Soomaali ah la gumaysanayo in aynan Soomaali xor ahayn waana mida keentay in birta layska aslo oo dhiig badan loo daadiyo sidii umadda Soomaaliyeed u heli lahayn karaamadeeda & sharafteeda waxaana xiligaas bilowday dabayl caafimaad qabta oo lulaysa Xoriyad waxaana nasiib u helay laba kamid ah oo kala ahaan Koonfurta & Waqooyiga kadibna Baarlamaanka Soomaaliya wuxuu soo saaray qaraar odhanaya waa in umadanada maqan la helaa oo hadii wanaag lagu waayo xoog lagu soo dhiciyaan.

Sii Akhri. 

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay