Kitaabka uu cinwaanka uga dhigay Jen. Jaamaca M. Qaalib (The Ogaden – Versus The Mythical Ethiopian Claim) oon filayo inuu macnaha noqon karo – Ogadenya iyo Sheeksahada ku Dhisan Khuraafaadka ee Itobiya – waxaan ku tilmaami karnaa inuu yahay kitaab madaxa ka qaaracay beenta ku dhisan khuraafaadka ee Itobiya ay doonayso inay ku duudsido qadiyada shacabka Somaliyeed ee Ogadenya kuna quudhsato jiritaanka qaranimada umadda Somaliyeed ee Geeska Afrika.

Kitaabkan (Halkan Riix) waxaa lagu tilmaami karaa inuu yahay kitaabkii 2aad ee qarnigan laga qoray qadiyadda Ogadenya. Midkii 1aad wuxuu ahaa kitaabkii uu qoray 1982 Luis Fitzgibbon ee cinwaankiisu ahaa – The Betrayal of the Somalis – oo ah kitaab uu kusoo bandhigay qoraaga sidii umadda Somaliyeed uu Ingriiska u khiyaanay.

Kitaabkan 2aad ee Jeneral Jamac Maxamad Qalib wuxuu si fiican u afcelinayaa kitaab uu qoray 1977 nin Itobiyaan ah oo lagu magacaabo Mesfin Woldermariam oo cinwaankiisa ahaa (Somalia: The Problem child of Africa) Somaliya : Cunugii Mushkilad badnaa ee Afrika).

Wuxuu Jenraal Qaalib ku bilaabayaa kitaabkiisa maahmaahda caalamiga ah ee tidhaahda – Those who live in glass houses shoul never throw stones – Qof Guri dhala ah ku jira dhagaxtuur ma bilaabo. Halkaa ayuu kaga qabanayaa, wuxuuna Jenenka si fiican oo cilmi iyo caqli ku dhisan u dabagalayaa khuraafaadka uu qoray ninkaa oo qofka taariikhda dalka loo yaqaano Itobiya xoogaa yar ka yaqaana ama baadhitaan ku smeeya uu si dhibyar u ogaan karo inay tahay taariikhda Itobiya mid ku dhisan khuraafaad aan jirin oo la soo ururiyay.

Kitaabka uu qoray Jeneraal Jaamac M. Qaalib wuxuu aad ugu radinayaa (af-celinayaa) khuraafaadkaa uu qoray ninkaa Amxaarka ah wuxuuna si fiican qofka akhriya ugu qancayaa in taariikhda Itobiya ay ku dhisan tahay khuraafaad aan waxba ka jirin. Tusaale ahaan; qoraaga wuxuu marka ugu horeysa sharxayaa magacan –Ethiopia– goorta la bixiyay, macnihiisa iyo ujeedada loo bixiyay. Wuxuu sheegay qoraaga; Sida taariikhda ku xusan in 100 ilaa 940 sano ka hor Nabi Ciise CS ay jirtay Boqortooyo yar oo Dhul-goosad ah goobta loo yaqaano Axum, oo ku taala dhex badhtanka dhulka sare iyo buuraha Geeska Afrika. Waxaana la odhan jiray Abisiinya, dadka daganna Abisiiniyiin oo ahaa Amxaarada iyo Tigrai. Waana labada qawmiyadood ee isku xeeray (monopolize)  awooda Itobiyada maanta.

Boqortooyadii yareyd ee daafaha Axum ayaa markay ka heleen hub fara badan xoogagii waagaa soo baxay ee dawladaha Yurub ku fiday dalalkii dariska la ahaa oo xoog ku qabsaday, oo waliba adoonsaday. Tusaalooyin badan ayuu Qoraaga ku soo qaadanayaa arintaa ay ka mid tahay kitaabka uu qoray Safiir Maxamad Cismaan Cumar oo cinaankiisu yahay – The Scramble in the Horn of Africa, History of Somalia: 1827 – 1997. Wuxuu Safiirka ku xusayaa buugan uu qoray wareegto uu Wasiirkii Arimaha Dibadda ee Talyaaniga soo saaray oo WAD ee Ingriiska uu dib u qoray oo ku eedeynaysa boqorkii Itobiya ee Minilk inuu dadka shacabka ah booby jiray xoolahooda oo waliba uu adoomo ahaan u soo kaxaystay dad gaadhaya 15,000, isagoo waliba ku xukumay adoonkii ay soo qabtaan ciidankiisa inuu iska bixiyo hal doolar marka uu soo galayo ama ka baxayo Shawa.

Wuxuu Jen. Jaamac M. Qaalib sheegay inay ciidanka Itobiya ilaa hadda ay leeyihiin dhaqanka noocan ah ee ku dhisan in dadweynaha xoolahooda la booboo, oo ninka ciidanka wata uu qaato waxkasta oo shacabkaasi ay leeyihiin. Tusaalooyin badan ayuuna arintaa ka xusayaa ay ugu dambaysay ciidankii soo galay Somaliya iyo siday u boobeen xoolhii dadweynaha shacabka ah.

Kitaabka  (The Ogaden – Versus The Mythical Ethiopian Claim) ee Jeneraal Jaamaca M. Qaalib wuxuu si fiican oo cilmi ku dhisan uga doodayaa farqiga u dhexeeya umadnimada shacabka Somaliyeed ee ku dhisan Taariikh, Joqoraafi, Diin, Af iyo Dhaqan, iyo sheegashada umadnimada Itobiya ee ku dhisan shucuub aan waxba wadaagin oo xoog lagu qabsaday ilaa hadana xoog lagu haysto dhulkoodii iyo maalkoodii. Wuxuu si fiican u ifinayaa in Trrikkhda Itobiya ay tahay mid ku dhisan quraafaadka aan jirin oo la doonayo in caalamka laga gado.  Waa kitaab yar, hasa ahaatee macna weyn xambaarsan oo umadda Somaliyeed uga digaya hadafka ay leeyihiin Abisiiniyiinta Itobiya oo ah inay tirtiraan jiritaan Umad Somaliyeed oo ku nool Geeska Afrika oo leh Qaran ka madax banaan Itobiya.

Waa Kitaab mudan in loo keydiyo facaada soo koreysa say isaga celiyaan sheegashada beenta ku dhisan ee Itobiya.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay