Waxaa caalamka soo gaadhay warar xaqiijinaya in magaalada Muqdisho lagu dilay Gabadhii ku caan baxday inay u hiiliso xaqqa shacabka S.Ogadenya Xildhibaanad Saado Cali Warsame. Gabadhan ayaa ahayd Fanaanad caan ka ah Somaliya oo tan iyo yaraanteedii ku dhex jirtay arimaha fanka gaar ahaan heesaha wadaniga ah iyo heesaha guubaabada ah ee kasoo horjeeda gumaysiga Itobiya iyo qofkasta oo lid ku ah qaranimada Somaliyeed.

Xildhibaanad Saado Cali Warsame waxay ku kasbatay mawqifkeedaa wadaniga ah colaad badan iyo inay u heshiiyaan dilkeeda canaasirta u shaqeeya Itobiya ee ku hawlan kala qaybinta Somaliya. Allaha u Naxariistee Saado Cali Warsame ayaa Sanadkii 2012-kii kamid noqotay Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya.

Shacabka Somaliyeed ee Ogadenya waxay ku xusuusan doonaan gabadhan sidii wadaniyadda lahayd ay isu garab taagtay qadiyadda Xaqqa ah ee Xoraynta Dalka Ogadenya, waxayna kala qayb gashay shirar badan jaaliyadaha Ogadenya.

Heesta ay qaaday ee – Ogadenya Way Xoroobi – ayaa Noqday Slogan ka mid ah Slogan-ada shacabka Somaliyeed ee Ogadenya.

Waxay Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadenya Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaan dhamaan umadda Somaliyeed iyo Eheladii ay ka geeriyootay Allaha U Naxariistee Xildhibaan Saado Cali Warsame.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay