Waxaa xalay  lagu qabtay caasimada wadanka Denmark ee Copenhagen xaflad balaadhan oo siwanaagsan ay usoo abaabuleen ugana qayb qaateen ururka Dhalinyarada iyo Ardayda Ogadenya ee OYSU, xafladan oo ahayd xaflad afurin ah ayaa ciiwaan looga dhiga Cun oo Caawi.

Munaasabadan oo ujeedada ugu wayni ee looqabtay ay ahayd in lagu caawiyo bulshada tabaalaysan ee ku waxyeeloobay dhibaatooyinka ba,an ee uu ugaystay gumaysiga Itoobiya ee kuraagay wadanka Ogadenya ayaa kamidah munaasabadaha joogtada ah ee guud ahaan ay jaaliyadaha Somalida Ogadenya ay kawadaan daafaha aduunka gaar ahaan Jaaliyada Denmark iyo ururka OYSU/Denmark oo iska leh hal abuurkan cusub ee lamagac baxay Cun oo Caawi.

Waxaa kasoo qayb galay munaasabadan dad wayne tiro badan oo kamidah qaybaha kala duwan ee bulshada Somali-Wayne iyo Somalida- Ogadenya ee kudhaqan wadankan Denmark caasimadiisa Copenhagen. Shacabkii munaasabadan soobuux dhaafiyay ayaa waxaa hormuud u,ahaa siwayna uga dhex muuqday maamulka iyo xubnaha Jaaliyada Soomaalida Ogadenya ee wadankan Denmark, kuwaasoo caan ku,ah inaysan marnaba kadaalin kaqayb qaadashada xafladaha iyo dhacdooyinka noocan oo kale ah.

Xafladan oo ahayd mid si wanaagsan udhacday ayaa waxay dadkii goobta isugu yimid si farxad iyo wadaniyad leh ugu wada afureen ayagoo siweyn uladhacay sida taariikhiga ah ee ururka OYSU-Denmark usoo agaasimeen xafladan, waxayna isku afgarteen kaqayb galayaashii xaflada in laxoojiyo lana joogteeyo sidii loocaawin lahaa dhibeneyaasha uu gumaysigu ugaystay dhibaatooyinka kadhanka ah xuquuqda banii,aadamka ee kasocda Ogadenya.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

ONA / Denmark

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay