Maalmihii udanbeeyay waxaa magaalada jigjiga laga dareemayay guux wayn oo ku saabsan khilaaf xoogan oo ka dhax jira 4ta dhagar qabe ee kala ah Abdi ilay, Khadar ilay iyo Abraham weldu {Quarter} Jananka ciiamada gumaysiga Harar iyo Salaala alam Weldu oo ah ninka khasnad hayaha u ah Walaalkii Abraham kuna magacaaban mabrat hayl ama Wakaalada Korantada ee kilil kusheega Jigjiga.

Khilaafkan ayaa soo ifbaxay markii koox uu wato ninka lagu magaacabo Sanyare oo ah ilaaalada abdi Ubo uu fashilmay shirqool Cabdi ilay udiray kaas oo ahaa inuu soo xidho ninka lagu magacaabo Ahmed nuur Saahid oo ah nin ushaqeeya sirdoonka Tigreega gaar ahaan geetaaju ahaana nin katirsan kooxdii ajo qudhuntay oo baryahan danbe ina ilay isku il xunyihiin sababa la xidhiidha kadib markii uu ina ilay ka shakiyay in loo adeegsanayo.

Hadaba Sanyare ayaa si tuuga ah uga soo afduubay Adis ababa, kadibna isagoo maraya Hawaash ayaa dhaxda waxaa kaga riday sirdoonkaEthiopiawaxaana ilaa hada la leeyahay meel uu kudanbeeyay lama garanayo Sanyare & kooxdii la socotay. Arintaas kadib ayaa Cabdi ilay waxaa canaan ujeediyay abaraham oo ku yiri afduubkii dibada aan kawadnay ayaan qiil ula’ayne maxaadkanu samaysay oo aad iiga qarisay, ilaa haatan waxaa laga dareemayaa Xarunta bariiqa xun ee Jigjiga buuq ku aadan ina ilay & Abraham oo midba midka kale eedaynaya.

Dhanka kale dacwadihii kaga socday kooxdan maxkamadaha caalamiga ah ee danbiyada qaada ayaa la sheegayaa koox kasocota danbi-baadhayaasha gacanta ku hayay kiisaskan in ayKenyagaadheen iyagoo ka qaadan doona maxakamadahaKenyacadaymo kusaabsan kiisaska isku midka ah ee budh-cadda Jigjiga lagu soo oogay.

Wariye Eebo Cadaw Jigjiga /Bariiqa xun.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay