Wariye Daahir Calasow wuxuu ku caan noqday inuu noqdo wariyaha 1aad ee baadhitaanka dhabta ah ku sameeya dambiyada ka socda Somaliya, isla marahaantaana qora isagoon u aabayeelin in godob lagaga tirsado ku faafinta xogta soo gaadha shabakadiisa WaagaCusub.

Wuxuu Wariye daahir Calasow sheegay in dilalka ka dhaca Xamar ay ka dambeeyaan Sirdoonka Itobiya, Al-Shabaab iyo Kooxo raacasn Xisbiga Damjadiid iyo dilal laga soo abaabulo Hargaysa. Wuxuu yidhi;

– Dadka lagu dilayo Muqdisho waa qaar Nabadsugida Ethiopia dilaan,waa qaar Kooxda Amniyaatka ruuxaanta ee Damujadiid dilaan,waa qaar Al-Shabaab dilaan ,waa qaar si toosa dilkooda  looga soo amro Hargeysa hadana iyadoo la ogyahay laga aamuso.

Wuxuu si dhab ah u xaqiijinayaa Daahir Calasow inuu hayo xogta rasmiga ah in dilka Saado Cali aanay Shabaabka shaqa ku lahayn hasa ahaatee uu ka shaki qabo sheegashadooda inay tahay heshiis dhex maray kuwa Xamar dadka ku dila iyo iyaga. Wuxuu sheegay Daahir;

 – Ma ogi hadii uu jiro heshiis u dhaxeeya Al-Shabaab iyo dilayaasha Muqdisho kaas oo dhigaya inay sheegtaan wixii ay dilaan balse  Al-Shabaab wax luga kuma laheyn dilka Saado Cali Warsame.

Kooxda dishay Saado waxaa gaariga u waday nin ilaalo ka ahaan jiray Shirkad ku taal Muqdisho kaas oo ka shaqeeyay Hotel Ambassador ayaamo kooban ,sidoo kalena dilka Saado Cali waxaa loo adeegsaday qoriga loo yaqaan BKM .

Al-Shabaab BKM kuma qaadato gudaha Muqdisho,sidoo kalena uma adeegsato weeraradooda sida la wada ogyahay.

Halka lagu dilay Saado Cali waa xero Ciidan,kuwa dilay waxay wateen gaari nuuciisu yahay kan ay wadatay oo kale,waxay mudo badan rasaas la dabajoogeen Marxuumada laakiin nasiib daro marna Ciidanka Dowladda uma gurman.

Laba saac kadib markii la dilay Saado Cali Warsame waxaan barteeyda Facebook ku qoray magacyada laba ka mida raggii dilay Saado Cali Warsame hasse yeeshee Nabadsugida Dowladda Saraakiil ka tirsan waxay iga codsadeen inaan ka saaro si aysan ragaas u baxsan.

Ma hubo inay dhab tahay in gacan ku dhiigleyaasha la aqoonsaday la soo qaban doono laakiin waa aqbalay inaan jaanis siiyo.

Shaki iigama jiro inaan ugu dambeyn faafin doono xog dhameestirin oo ku saabsan kuwii khaarijiyay Marxuumad Saado hasse ahaatee arrinta xanuunka badan waxay tahay in Saraakiishii ugu sareeysay Dowladda Somalia dilayaan waxgalkii Soomaaliyeed halkii looga fadhiyay inay Caasimadda Nabad ka dhigaan.

Maqaakan oo Dhamaystiran Riix Halkan:

ONA.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay