Jaaliyadda S.Ogadeya ee Koonfur Afrika ayaa Shirar isugu jiray kuwo maamul iyo  kuwo wadareed isugu yimid lagaga arinsaday xaalada Amaanka ee wadanka Koonfur Afrika oo baryahan danbe cadawgu isku dayayo in uu khakhal galiyo.

Shirarkan faraha badan ayaa waxaa warbixin waafi ah laga dhagaystay Mudane N/hure Maxamed Shariif oo ah Xeer Ilaaliyaha Guud ee JWXO. Masuulku wuxuu ka warbixiyay xaalada guud ee Halganka sidoo kale wuxuu faah faahin dheeraad ah ka bixiyay xaalada cadawga iyo qorshayaasha liita ee maanta TPLF ku qadhaabanayso.

Shirarkan ayaa kusoo aaday xili Koox AXMAARO-GADHLAY ah ay isku dayayaan in ay shirar hoose ku galaan Safaarada TPLF  ee Pretoria.

Jaaliyada JOKA oo si gooni ah indhaha ugu haysa dhaqdhaqaaqa cadawga ayaa ka arinsaday sidii loofashilin lahaa cadawga iyo qorshayaashiisa.

Shirarkan ayaa kakala dhacay Magaalada Pretoria oo ay shir ku galeen maamulka iyo hawlwadenka Jaaliyadda Xaafiiska JOKA ee Pretoria shirkaas oo socday ilaa salaadii Jumce halkaas oo isla salaada Jumce kadib uu bilawday shir  ay kasoo qaybgaleen dhamaan xubnaha JOKA ee magaalada Pretoria Sidoo kale shir kaas lamid ah ayaa kadhaacay magaalada Uitenhage halkaas oo ay isugu yimaadeen Xubnaha deegaankaas

Shir kuwaas la ujeeda ah ayaa kadhacay magaalada East London ee Faraca Siskaay dhamaan shirarkan waxaa sooqorsheeyay  Maamulada Heer Xarumeed iyo Heer Farac waxayna u qabsoomeen sidii loogu talagay dhamaana waxay ahaayeen shirar iskuwada ujeedo ah

Shirarkan ay Jaaliyada Ogaadeeniya ku qabatay meelo kamid ah wadakna Koonfur Afrika waxaa qayb ka ahaa TACSI tiiraanyo leh oo loo diray Allaha Unaxariistee Marxuumo Saado Calio Warsame oo dhawaan lagu dilay Magaalada Muqdisho ee caasimada wadanka Soomaaliya

Jaaliyadu waxay gabi ahaanba u tacsiyaynaysaa dhamaan umada soomaaliyeed ee wadaninimo ku jirto geeridaas Naxdinta leh eek u tumid fanaanada qaranka .

Shirka PE ayay Kooxda Birjeex wacdaro ka dhigtay iyagoo heeso wadaniyeed kaqaaday shirka.

Ugu danbayntii waxay Jaaliyadu udiyaar garoobaysaa sidii loo qaban lahaa xalfad aad u balaadhan oo loogu magacdaray 30 guuradii JWXO Magaalada Johannesburg.

Waxaa Wakaaladda Soo gaadhay Tacsi ay Jaaliyadda Denmarka ka tacsiyeynayaan dilkii foosha xumaa ee loogu gaystay magaalada Muqdishu Allaha U Naxarisstee marwo Saado Cali Warsame oo u qornayd sidan;

Anagoo kuhadlayna magaca Hogaanka iyo Hawlwadeenka Jaaliyada Somalida Ogadenya ee wadanka Denmark waxaan tacsi tiiraanyo iyo murugo leh udiraynaa dhamaan bulshada Soomaaliyeed meel kastooy joogaanba, gaar ahaan ehelkii iyo cashiiradii ay kabaxday Xildhibaan Saado Cali Warsame oo dil naxariis darri ah loogu gaystay magaalada Muqdisho. Ilaahay waxaan ooga baryaynaa Marxuumad Saado Cali Warsame inuu naxariistiisa waasaca ah kawaraabi Janatul Firdawsana geeyo.

Geeridu waxaa xaq laakiin sida naxariis darida ah ee qof aan waxba galabsanin loogu toogtay yaa ah mid uu damiirka banii,aadamka ee caafimaadka qaba uusan aqbali karin. Xildhibaan Saado Cali Warsame waxaay ahayd muwaadinad Soomaaliyeed oo wadankeeda iyo dadkeedaba jecel. Waxaa lagu xasuustaa ooy taariikhda umada Soomaaliyeed baal dahabi ah kagashay siday ugarab istaagtay shacab Somalida Ogadenya ee halganka oogu jiray ineey Gumaysiga Itoobiya kaxoraabaan. Waxqabadkii Marxuumad Saado Cali Warsame waa midaan la,iloobi karin.

Hadaan nahay Jaaliyada Somalida Ogadenya ee wadanka Denmark waxaan sikulul ucanbaaraynaynaa fal danbiyeedkan waxshinimada ah ee lagulakacay Xildhibaan Saado Cali warsame. Waxaan shacabka Soomaaliyeed ee xornimada iyo wadaniyadu ay kudheertahay kubaraarujinaynaa in Gumaysiga guunka ah ee qaranka Somaliyeed waa Itoobiya, meel qudha looga soowada jeesto.

Inaa Lillaahi Wa, inaa Ileey Raajicuun.

ONA.

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay