Waxaa Isniintii lasoo dhaafay ooy taariikhdu ahayd 22/7/2014, Lagu dilay magaalada Addiss Ababa labo sargaal oo kamid ahaa qaybta sirdoonka ama nabadsugida looyaqaano dharcada ee sida hoose xogta usoo aruuriya. Labadan sargaal ee ladilay ayaa kasoo jeeda Qawmiyada Axmaarada.
Dilka labadan Axmaar ayaa yimid kadib markay shir iskugu yimaadeen dhamaan sirdoonka Itoobiya oo idil kuwaasoo ay iskugu yeedheen masuuliinta Wayaanaha ee xukunta nabadsugida wadankoo idil. Maalintii labaad ee kulankan ayaa waxaa eedaymo kulul Dusha kagatuuray xubno kasoo jeeda nabadsugida xabashida Gudoomiye Kuxigeenka Nabadsugida Itoobiya Isayas Woldegiorgis, isagoo ku eedeeyay dharcada /Jawaasiista Axmaarada munaafaqad iyo labo wajiilayn ay kulashaqeeyaan labada dhinacba waa dawlada iyo Mucaaradka kasoo horjeeda nidaamka ay hormuudka utahay kooxda TPLF ee gabalkoodu dhacay Isayas ayaa sirdoonka Qawmiyada Axmaarada sixun oo badheedh ah u aflagaadeeyay isagoo u adeegsaday erayo aad uliita Ooy aad ooga xumaadeen masuuliintii Axmaarada ee madasha shirka joogtay kuwaasoo damcay ama isku dayay ineey iska difaacaan eedaymahan uu Wayaanuhu Dusha ooga tuuray.
Intaas markay dhacday kadib waxay toodteen ilaalada gaarka ah ee Isayas Woldegiorgis xubnihii isku dayay ineey Axmaarada uhadlaan kadibna waxaa hoolka shirka iskaga baxay Isayas Woldegiorgis iyo ilaaladiisa oo kaligood hubaysnaa sababtoo ah masuuliinta nabadsugida een Tigreeyga ahayn looma ogolo ineey wax hub ah qaataan.
Falalka Noocan ookale ah yaa daliil u ah fawdada, cadaalad darida, cadaadiska, gumaysiga, cabudhinta iyo sharci la,aanta Itoobiya kajirta. Dhanka kale waxaa baryahan soobadanaya dilalka iyo dhibaatooyinka kadhanka ah xubnaha iyo masuuliinta kasoojeeda ururadii ay TPLF tu isbahaysiga magac uyaalka ah ee looyaqaano EPRDF kuwada jireen sida OPDO iyo ANDM kuwaasoo kubaraarugay baaxda gumaysiga ay TPLF tu kuhayaan guud ahaan shucuubta taliskooda kuhoos jira.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay