Manta oo ay taariikhdu kubeegnayd 26/7/14 ama 28 Ramaddaan 1435 waxaa xerada qoxootiga Ifo ee deegaanka Dhadhaab ee G/woqooyibari Kenya deeq lacageed loogu qaybiyay caruur agoon ah oo waliba danyar ah.

Deeqdan lacageed oo ay labaxeen shakhsiyaad soomaaliyeed oo kunool dibada wadanka gaar ahaan wadanka Filand oo ay hormuud utahay ajar iyo xasanaad Allaha siiyee gabadha lagu magacaabo Hodan Cali oo isu xilqaantay in ay caawiso kana farxiso agoonta kudhaqan xeryaha qoxootiga gaar ahaan xerada ifo,

Banaamijkan oo loogu magacdaray afuri walaalkaa ayaa soconaya mudo 3  ama 4 bari ah lagasoo bilaabo 25tii ramaddaan ilaa dhamaadka bisha hadii Allaah idmo waxaana ciyaalka iyo hooyooyinkood lagu siinayaa lacag afur ah oo cadiin.

Deeqdan agoonta xerada ifo loo qaybinayo waxaa gacantooda ku qaybinaya Allaha kabaal mariyee Yuusuf Xaashi iyo sh Maxamad Cali oo si mutadawac nima ah usiinaya agoonta waxayna manta siiyeen qayb kamid ah agoonta xerada Ifo.

Mudadii ay socotay qaybinta deeqdan waxaa hadallo kooban goobta kajeediyay qaarkamid ah hooyooyinka agoonta dhalay oo aad ugu faraxsanaa afurkan ay siiyeen walaalahooda soomaaliyeed gaar ahaan hodan oo ay Allaah uga baryeen in uu gubadalo ajar iyo xasanaad aan lakoobi Karin.

Intaas kadib waxaa waxaa hadal gaaban isna jeediyay yusuf xaashi oo gacantiisa agoonta wax ugu qaybinayay wuxuuna umahad celiyay walaalaha uu allah waxsiiyay ee caawimaada ufidiyay ciyaalka agoonta ah.

Waxaa sidoo kale wacdi gaaban jeediyay sh maxamad cali oo ugu horaynba umahad celiyay Allaah S.W wuxuuna sidoo kale umahad celiyay walaalaha deeqdan soodiray ee ugu talagalay in ay agoonta kaga farxiyaan isagoo xusay wanaaga kujira in lmo agoon ah wax lasiiyo wuxuuna walaalahaas kacodsaday in ay soogaadhsiiyaan caruurta agoonta ah ee kutabaalaysan xeryaha Dhadhaab,

Sikastaba ha ahaatee waxaa sifiican kusoo gabagaboobay barlaamijkii loogu magacdaray AFURI WALAALKAA oo lacagta afurka ah loogu qaybinayay ciyaalka agoonta ah ee xerada Ifo

 

ONA

Ifo

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay