Waxaa maanta oy tarikhdu ahayd 08/01/14 lagu qabtay Shirkii urur hosaadka OYSU ee degmada Saint Cloud gobolka Minnesota USA, shirkaasoo ay kasoo qayb galeen dhamaan xubnaha dhalinyarada ee faraca magalada St. Cloud.

Shirka ayay ujedadiisu ahayd dib uhabayn ururka OYSU faraca Saint Cloud oo in mudo aha saaxada ka maqnaa iyo doorashada maamulka ururka. Qodoba muhiim u ah urur hoosaadka SC ayaa shirka lagaga hadlay.
Ugu horeyn waxaa lagu furay sidii caadada ahayd aayado qur aan ah, ka dibna wacdi diini ah ayaa la dhagaystay. Intaa kadib ayaa waxaa loo guda galay qodobadii shirka hor yaalay.

Waxaa shirgudon ka ahaa halgame Nastex Hanad Ahmed oo warbixino dhaaer ka soo jeediyay goobta. Ka dib waxaa la doortay gudiga cusub ee ururka oo kala ahaa sidan;

Gudoomiyaha OYSU St.Cloud C/fataax Cali Xaashi
Gud.kuxigeen C/casiis C/ sheekh
Hogaanka arimaha abaabulka iyo arimaha ururka C. Cali Faarax
Hogaanka arimaha bulshada Baari Sulub
Afayeenka  ururka ahna shir gudoomiyaha Nasteex Hanad Axmed

Intaa kadib waxay dhalinyada madasha ku balan qadeen in ay dadaalkooda ay sii laba jibaari dooñan, waxuuna shirku ku dhamaday farxad iyo jawidagan.

ONA/S.Cloud

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay