Waxaan Qaybtii 1aad ee taxanahan kaga soo faaloonay (Riix Halkan) xaaladihii ku xeernaa halganka waqtigii la asaasayay ONLF, taasoo ka muuqatay jabkii ciidankii Jamhuuriydda Somaliya lagu soo jabiyay dagaalkii 1977, ka dibna lagu qasbay inay  joojiso Somaliya gabai ahaanba inay taageerto/hubayso mucaaradka Itobiya oo loola jeeday WSLF. Hadafkuna uu ahaa in taariikh cusub loo sameeyo gobolka oo laga dhigo qadiyadooda khilaaf xuduudeed oo u dhexeeyay Somaliya iyo Itobiya oo lagu kala adkaaday. Waxaa qasab ahayd marka in baal cusub loo dajiyo taariikhda halgan ee shacabka Somalida Ogadenya. Kaasoo ku salaysan in aan lagu tashanin taageero dibadda ah oo la sugo in qadiyadda Ogadenya ay tahay qadiyad shacab la gumaysto oo xaq u leh inuu helo Aayo-Ka-Tashigiisa sida ku xusan qawaaniinta dawliga ah.

Hadaba qaybtan 2aad waxaa saldhig u ah, Xadiithka Rasuulka CS uu yidhi ;

 ” يا أيها الناس لا تتمنوا لقاء العدو ، وسلوا الله العافية ، فإذا لقيتموه فاصبروا ، واعلموا أن الجنة تحت ظلال  السيوف ” . 

Macnaha; Ha Rajaynina Dagaal inaad Cadawga la gashaan, Ilaahayna Weydiista Badbaado. Hadaadse la Kulantaan Adkaysta, Waxaadna Ogaataan In Janada Laga Helo Seefaha Hooskooda (macnaha Halganka/Jihaadka). Xadiithkan waxaan usoo qaadanay sidaad arki doontaan markay Wayaanaha/TPLF dagaalka kusoo qaadeen ururka iyadoo waqtigaa aan loo diyaar garoobin, in shacabka Ogadeenya uu la yimid adkaysigaa looga baahnaa kuna qasbay cadawga inuu xisaabihiisa dib ugu noqdo.

Dad badan oo wax magarad ah ama u jibaysan inay aaminaan wax kasta oo Itobiya ay sheegto ayaa doonaya inay majara habaabiyaan taariikhda, oy u ekeysiiyaan in ONLF dagaalka bilaabeen.  Gaar ahaan markay Itobiya ku fashilantay qorshihii ay ka damacsanayd uruka ONLF oo siday moodaysay si ka badalan u dhacday arintii.

Sida lawada ogsoonyahay Cahdigii Ku-meel Gaadhka ahaa (Transitional Charter) ee qawmiyadaha Itobiya ay isla dhigteen markii la jabiyay xukuumadii Mingisto wuxuu ahaa in Qawmiyadii Doonaysa in afti laga qaado ay soo marto wado la’isla ogyahay oo lagu qeexay Charter-ka. Waxaan filayaa inaan wada dhagaysanay barnaamijkii mudane Diirane uu kaga warbixiyay siyaasadii xisbiga TPLF ee ku aadanaa inuu fashiliyo rabitaankii shacabka iyo Ururkii hormuudka u ahaa ee ONLF.

Waxaa kaloo dhacdooyinkaa si fiican oo taxana ah wax uga qoray Halgame Daahir M. Cali (Baasto) oo isaguna goobjooge ka ahaa. Wuxuu ku qoraya shabakadda SomaliTalk sidan;

( Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeeniya (ONLF) iyadoo taas ka duuleysa ayey dowladdii dhexe ee Itoobiya u gudbisay aragtideeda ku aaddan aayaha shacabkeeda, waxayna codsatay in laga qaado afti si ay u muujiyaan rabitaankooda maadaama ay tahay fursad maanta la gudboon. Dhanka kale baarlamaanka qowmiyadda soomaalida ayaa shirkiisii magaalada Jigjiga ee horraantii sannadkii 1994kii ku ansixiyey in afti laga qaado shacabka soomaaliyeed ee itoobiya gumeysato. Waxay jabhaddu u arkeysay codsigeeda in uu saxanyahay kol haddii ay EPRDF iska dardartay xuquuqdii uu ballan qaaday axdigii lagu dhisay dowladdii dhexe ee qoomiyadaha. Dhammaadkii shirkii baarlamaanka qowmiyadda soomaalida ee Jigjiga lagu qabtay isagoo aan lagu kala ambabixin, EPRDF waxay 22nd February sannadkii 1994kii weerar ku qaadday guddoomiyihii jabhadda ONLF Sh.Ibraahim Cabdalla Muxamed oo socdaal ku joogay magaalada wardheer iyagoo doonayey in ay qabtaan hase yeeshee waxaa dagaal difaac oo gacmaha laysla galay kala hor tagay shacabka reer wardheer oo ay taageerayaan cutub yar oo ka tirsan ciidanka xoreynta ogaadeeniya.

Dagaalkaas oo ay ku naf waayeen tiro ka badan 50 qof oo reer Wardheer ah wuxuu ahaa mid ayna u kala hadhin yar iyo weyn dadka magaaladu, taasina waxay argagax iyo filanwaa ku noqotay ciidankii gumeysiga ee halkaas joogay oo dagaalkaas ku waayey in ka badan boqol askari, waxaana halkaas ku fashilmay isku daygii ciidanka EPRDF ee ahaa qabashada halgame Sh.Ibraahim iyadoo ay badbaadday sharaftii dadkayaga. Weerarkan oo dhacay kaddib markii uu soo baxay go’aankii baarlamaanka waxa uu la midyahay weerarkii birqod ee dhacay 21st January sannadkii 1992kii maalmo uun kaddib shirkii Garbo ee lagu dhisay hoggaanka jabhadda. Guuldarradii Wardheer intii kadanbeysay EPRDF waxay billowday in ay kulamo kala duwan kula yeelato magaalooyinkaAddis ababa, Harar, Qabridahar iyo Godey qaar ka mid ah qaybaha bulshada, kulamadaas oo ay uga gol lahayd in ay ku ogaato aragtida dadweynaha ee ku aaddan go’aannada jabhadda iyo baarlamaanka.

Meles Zinawi oo ay usoo baxday inaan loo xiiso qabin aragtidiisa ayaa weerar ku qaaday xarumaha jabhadda waddaniga xoreynta ogaadeeniya (ONLF) ee ku yaalay gudaha dalka. ) Halkan Ka Akriso Taxanahaa.

Ciidanka Wayaanaha ee TPLF dagaalka marka ay ku bilaabayeen ONLF waxay ka fiiriyeen dhanka cududa iyo cadadka ay JWXO lahayd waagaa, hasa ahaatee hab Istraatiiji ah uma aanay fikirin. Ciidankii Wayaanaha ee TPLF waxaa ku dhashay kibirka iyo isla weyni, ka dib markay ka adkaadeen ciidankii Dargiga, oy si dhib yar u jabiyeen ciidankii tirada badnaa ee Oromada, oy muddo yar dalka uga saareen jabahadii Itixaadka oo ka awood badanayd waqtigaa ONLF. Sidaa daraadeed marnaba TPLF isma aanay odhanin JWXO oo ciidankay haysteen waagaa aanay 100 gaadhin ku hubaysan dhowr qori siduu sheegay mudane Ciraaqi oo laga soo qaatay reeraha ayaa 30guuradooda u dabaadagi doona 2014ka.

Siday ku dhacday arintaa? Inuu ciidankii yaraa ee JWXO ka badbaado duulaanadii isdaba jooga ahaa ee ciidanka Itobiya uu kusoo qaaday, islamar ahaantaana ku dhiseen ciidan xoogan oo gilgilay xukunka TPLF sida laga qoray warqadaha uu Meles u kala dirayay xubnaha xisbigiisa TPLF (Halkan Riix).

Waxaan kaga hadli doonaa qaybaha soo socda.

ONA.

 
 

1 Comment

  1. Daniel Tarp says:

    ONLF is a rebel group that has been fighting with the Ethiopian government since 1984 for independence of the Ogaden region, a territory contested with Somalia during the Ogaden War in 1977-78 and inhabited by mostly ethnic Somalis.
    Garissa County Director of Criminal Investigation Department Musa Yego said local authorities are concerned that the conflict may have spilled over into Kenya following a string of assassinations in Garissa of Ethiopian nationals suspected to be ONLF members.
    On June 1st [2014], Muslim cleric Sheikh Abdirashid Mohamed “Jelani” was shot dead after leaving Khalifa Mosque in Garissa town.
    Then on June 17th [2014], gunmen shot and seriously injured two men identified as Abdirashid Geel Qaad and Deek Mohammed Ahmed, who was Jelani’s brother.
    Ten days later on June 27th [2014], gunmen shot Abdirashid Ali Bashir, 36, around Guled area in Garissa town.
    The killings continued with Khathar Ismail, 28, shot dead at a cafeteria in Garissa town on July 1st [2014], followed by the assassination on July 9th [2014] of his cousin Mohammed Hassan Abdi, a 48-year-old shopkeeper along Guled Road.
    watch eri tv live eritrea eri-tv.com

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay