Wararkii ugu dambeeyay een ka helnay Xarunta Dhexe ee JWXO ayaa naloogu sheegay dagaallo meela kala duwan oo dalka ah ka dhacay. Dagaalada aan warbixintooda helnay oo dhacay 2-6dii bishan aan ku jirno ayaa cadawga lagu gaadhsiiya khasaare laxaadleh oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Dagaalada oo meela kala duwan oo Ogadenia ah ka socda ayaa kuwa aan helnay faahfaahintooda u dhacay sidan;

2/8/14 Hoola oo dagmada Dhagaxbuur ee xarunta Gobolka Jarar katirsan dagaal xoogan oo CWXO iyo kuwa cadawga ku dhex maray waxaa ciidanka saama laluudka ah ee gumaysiga lagu gaadhsiiyay khasaare balaadhan oo aan faahfaahintiisa lahaynin.

3/8/14 Bardifarasle oo dagmada Qabridahare ee xarunta Gobolka Qoraxay katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka wayaanaha lagaga dilay 7askari 11 kalana waa lagaga dhaawacay.

3/8/14 Cayuun oo dagmada Dhuxun ee Gobolka Nogob katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidamada gumaysiga lagu gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa lahaynin.

3/8/14 Bisidiimo oo Dagmada Baabili katirsan weerar xoogan oo ay CWXO ku qaadeen ciidamada cadawga waxay kugaadhsiiyeen khasaare balaadhan oo naf iyo maalba leh.

5/8/14 Danood oo Gobolka Doollo katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka gumaysiga lagu gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa lahaynin.

6/8/14 Qudhactaagtaag oo dagmada Danood ee Gobolka Doollo katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka wayaanaha lagaga dilay 2 askari 3 kalana waa lagaga dhaawacay.

6/8/14 Toonceelay oo Qabridahare katirsan kamiin ay CWXO kaxidheen waxay ku baabi’iyeen ciidan uu cadawgu leeyahay oo aan faahfaahin rasmi ah laga haynin.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay