Waxaa shalay lagu qabtay xarunta jaaliyada S.Ogadenia ee wadankaFinlandshirkii bilaha ahaa. Shirkan oo ahaa mid kala warqaadasho ah waxaa kasoo qaybgalay qaybaha  kala duwan ee jaaliyada iyo madax  kasocotay JWXO.

Madaxda kala soo qaybgashay jaaliyadda shirka ayaa ka dhagaystay jaaliyada warbixinadii ugu danbeyay ee jaaliyada iyo wax qabadkii bilihii ugu danbeeyay iyo meesha ay wax marayaan.

Ka dib madaxda ururka ayaa warbixin ka siiyey kasoo qayb galayaasha shirka  xaalada dhabta ah ee ka jirta wadanka Ogadenya, isagoo ku baraarujiyay xubnaha jaaliyadda gaar ahaan dhalinyarada OYSU waxqabadka looga baahan yahay iyo masuuliyadda ka saaran halganka iyo shacabkooda.

Waxaa  kale oo shirka lagaga hadlay qabanqaabada sanadguurada JWXO taasoo lagu qaban doono  wadanka Swedenoo jaaliyadda Finlanday ka qaybgali doonto.

Ugu dambayntii wuxuu shirka ku soo gabagabooway  jawi farxad leh iyo hawl-qaybsi.

ONA/HELSINKFINLAND

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay