Waxaa nasoo gaadhay Khudbadii uu Gudoomiyaha JWXO ugu talagalay 30Guurada ka soo wareegatay asaaskii Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadenya. Gudoomiyaha ayaa Khudbadiisa ugu hambalyeeyay Umadda guud ahaan, gaar ahaan xubnaha ururka, CWXO, taageeryaasha Halganka xaqqa ah ee Shacabka Somalida Ogadenya.

Khudbadan ayuu Gudoomiyaha kaga xogwaramayaa marxaladihii uu ururka ka soo gudbay iyo heerka uu hadda marayo halganka gobanimadoon ee shacabka Somalida Ogadenya, isagoo ugu dambaynta usoo gudbinaya umadda talooyin ku aadan marxaladda la marayo.

Waxaa kaloo uu Gudoomiyaha khudbadan kaga xogwaramayaa Wadahadaladii soo dhex maray ururka ONLF iyo Itobiya iyo dhaqan xumada Itobiya ee ku disan ballan ka baxa iyo inay disho ergada wadahadalka ugu taga ama ay ka afduubto meeshay joogaan.

Khudbadda Gudoomiyaha ayaad ka dhagaysan doontaan munaasabadaha jaaliyadaha, anagoo ku soo gudbin doona shabakadaha warfaafinta waqtiga ku haboon.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay