Dhamaan wariyayaasha caalamka ee wax ka qoraayay dagaalkii ka socda Gaza waxay isku wada raaceen in sawaariikhda ay ridayeen Xamaas iyo Muqaawamada aanay jabinin hankii ay Israa’iil ka lahayd dagaalka ay ku qaaday Gaza ee waxa jabiyay uu ahaa sida xirfadda leh ee dhalinyarada ree Gaza ay u adeegsadeen Facebook-a iyo Twitter-ka, ama guud ahaan isgaadhsiintan cusub ee loo yaqaano Social Media-ha. Waxayna hoosta ka xariiqeen in dambiyada dagaal ee lagusoo oogi doono Israa’iil ay caalamka soo gaadhsiiyeen dhalinyaradaa ee aanay ahayn isgaadhsiintii taqliidiga ahayd (Conventional Media) sida TV-yada iyo Joornaalada, inkastoo uu TV-ga caalamiga ah ee Aljazeera qayb lixaad leh ka qaatay soo bandhigidda xaqiiqada saacad walba.

Wariye caalami ah ayaa qoray; markii Shujaaciya ay weerareen ciidanka Israa’iil subaxnimadii Axadda ee tobonaanka shacabka ah ay ku dileen meeshii ugu horeysay een ka maqlo waxay ahayd Twitter. Xubin firfircoon (an activist) oo jooga halkaa oon ku taxnaa (I follow) ayaa soo tweet-gareeyay; “people running out of Shujaiya, bodies lying on ground”. Dadkii Shujaaciya way cararayaan, meyd badan ayaa dhulka daadsan.”
Waxaa isla markiiba ku xigay oo isna soo diray Maxamad Cumar oo ah saxafi la yaqaano oo soo qoray;” Israel refuse allowing ambulance crew to get into Shejaia now! scores of dead bodies in all streets now!” Israa’iil waxay hadda ka mamnuucday shaqaalihii gargaarka inay Shujaaciya galaan. Mayd badan ayaa daadsan wadooyinka.”

Daawo:

Markaa ka dib ayay bilaabeen wariyayaashii TV-yada inay warar ka soo direen xaaladda Shjaaciya.
Waxaa soo raacay isla waqtigiiba sawiro ay dadka caadiga ah qaadayeen oo muuinaya maydka daadsan iyo guryaha lala dhacay madaafiicda iyo sawaariikhda, oo caalamka daafihiisa ay dadka isugu kala dirayeen.

Halkaa ayaad ka garan kartay cidda ku adkaanaysa warbaahinta dagaalka ka socda Gaza. Israa’iil waxay sidii caadiga ahaa xayiraad saartay saxafiyiinta iyo TV-yada inay sheegaan war aan ka soo bixin taliska dagaalka ciidaneeda ama ay sawiraan wax aanay ogayn. Waxaa dhaafay in qarnigan aynu ku jirno uu qof kasta oo haysta mobile casri ah uu noqon karo saxafi madax banaan oo caalamka meeshuu doono gaadhsiin kara waxa u muuqda, taasoo dadka caadiga ah ay ka rumaysan ogyihiin wararka ay ka maqlaan saxifiyiinta TV-yada u shaqeeya oo midwalba uu soo warinaya wixii loo diray oo kali ah.

Israa’iil markay ogaatay inuu dagaal kaga socdo dhanka Is-gaadhsiinta ayay bilaabeen inay iyaguna dhankooda warar ka diraan Twitter-ka iyo Facebook-ga, hasa ahatee hab aan gadmi karin oo ah waan u dignay shacabka oo ka baxa ayaan ku dhahnay, iyo Xamas ayaa shacabka u diiday inay ka baxaan ayay soo qoreen.

TV-yada ka shaqeeya Mareykanka ee caanka ka ah oo dhamaantood u xagliya Israa’iil ayaa markii ugu horeysay shacabka Mareykanka ay indhahooda ku arkeen wixii laga qarin jiray. Arintaasi waxay keentay in baadhitaan la sameeyay la ogaaday in da’yarta ay hadda aamineen in Twitter-ku yahay meesha kali ah ay ka heli karaan warar sax ah, taasoo isla subaxnimadii Axadda ee Yuhuuda ay weerarka naxariis darada ah ku qaadeen Shujaciya ay shacabka Mareykanka soo gaadheen sawiro iyo filimaan yaryar oo naxdin leh kuwaasoo ay beeneyn kari waayeen TV-yadii ku xidhnaa lobby-yada xooga badan ee Yuhuuda Mareykanka.

Waxaa hubaal ah in Social Media-ha uu wax weyn ka badalay nidaamkii wararka caalmak loo kala qaadan jiray iyo saxaafadii duuga ahayd. Sidaa daraadeed waxaa laga doonayaa dhalinyarada OYSU inay arimahaa xooga saaraan, maadaama isgaadhsiintan casriga ah ay tahay mid la hanaqaaday facaadda cusub.

Fiiri Dhalinyarada Gaza:

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay