Waxaa lagu qabtay magaalada Kharduum xaflad qalinjabin ah oy ka soo qaybgaleen guud ahaan Soomaalida ku nool Khartoum caasimadda dalka Sudaan. Arday kasta ayaa marka lagu soo dhawaynayo barta lagu gudoon siinayo shahaadada, waxaa loo diyaarin hayay kolba waxa uu isagu doorto sida; hees wadani ama jacayl kolba midkuu doorto ama gabay ama dhaanto, iwm.

Hadaba arday kamid ah Somalida Ogadenya ayaa waxaa loo daaray dhaantadii caanka ahayd ee halgame Jaango ee ahayd – Jecliyaa Jamaalka Dhulka Hooyo – markaas ayuu halmar ah isbadalay hoolkii ay ka dhacaysay xafladu oo dadkii madasha joogay oo dhan ay istaageen oy ladhaan teeyeen iyagoo erayadana laqaadaya. Waxaa la yaab noqotay koox Ajo-gudhay ah iyo in yaroo dabaqoodhiga kale ah oo iyagu cadho la bakhtiyay, iyadoo ardaygaa lagu caleema saaray markuu soo dhex marayay dadka calanka Ogadenya oo aad loo jeclaystay.

Arday kale ayaa isagana loogu riday heestii ahayd – Hurda Seexan Maynoo Dagta Qorigu Noosudhan – halka mid kalana loogu riday heestii Saado C. Warsame ay ka qaadaysay shirwaynihii jaaliyadaha ee Sweden iyo meela kalaba ee ahayd – Ogadenya Way Xoroobi –

Markii la dhameeyay shahaado gudoon siintii ardayda ayaa waxaa soo galay koox dhaantaysa oo xubno JWXO ah kuwaas oo halkaas ku soo bandhigay dhaantadii laga tumijiray Ogaadeenya, oo umadii soomaaliyeed ee madasha joogtay ay aad oola dhecen.Inta aanay bilaabanin dhaantadu ayaa waxaa la arkayay intii ugu waa waynayd Ajo-gudhayda oo ay kamid yihiin kuwa haysta xawaalada KAAH ee Sudan oo ka dareeray hoolkii ay ka socotay xafladu oo cadho la garaar beelay markay arkeen gabayada, heesaha, dhaantada, iyo calanka JWXO oo ayna hada kohor ku arag xafladaha noocan oo kale ah, iyagoo is-tubay holka hortiisa oo kolay ka hadlayey sida ay uga xunyihiin wax yaabaha ay dhalin yarada ka qalin jabisay kuliyadaha ay madasha ku soo bandhigeen.

Ma’aha markii ugu horeysay oo arday u dhalatay Ogadenya ama Somalida kale ay soo bandhigaan dhaantada gaar ahaan jiibintii Jaango ee Jeliyaayeey oo meelaha ay Somalida isugu yimaadaan ee ama aroosyada ah ama sanadgoorooyinka ah laga qaado kolkaasoo ay masraxa soo wada fuulaan dadkii martida ahaa. Dhaantada ayaa hadda noqotay hiddaha lagu aqoonsado umadda Somaliyeed.

Xafladdan hoose wuxuu ahaa tartan loo qabtay ardayda wax ka barata Qatar oo lagu qabtay kuliyadda College of North Atlantic – Qatar (CNA-Q), waxayna galeen ardayda Somaliyeed kaalinta 2aad dhaantadan oo carabtii iyo cadaankiiba ay ku muraaqoodeen darteed. Daawasho wacan

ONA/Sudan

 
 

1 Comment

  1. wiiljwxo says:

    farxad weeye, laakiin waxaa cajiib ah, waxa ka raacay kuwa Ajjo-gudhayda ah ee Sudan jooga!

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay