Waxa maanta oo Taariikhdu tahay 16-8-2014 Lagu qabtay Magaalada Stockhlom ee xarunta dalka sweden Munaasabad loogu dabaal dagayay aas aaskii 30 Guurada  Jwxo, munaasabadan ooy kasoo qaybgaleen wadamada Scandanevian ka laysku yidhaahdo yaa ahayd  mid kaduwan kuwii hore iyadoo ahayd Markii ugu horaysay ee Afarta jaaliyadood ee wadamada Sweden, Norway, Denmark iyo Finland siwada jira uqabteen xuska sanadguurada  15 Augusto, Xaflada waxaa sidookale kasoo qayb galay Xubna kasocday wadamada Germany iyo UK.

Munaasabadan ayaalagu  muujiyay awooda jaaliyadaha  somalida Ogadenia  ee wadamada Yurub islamarkaana  quus kuriday cadawga  korna uqaaday hanka iyo himilada shacabka somalida ogadenia ,waxaa goobta munasabadu kasocotay lagusoo bandhigay riwaayad, heesa wadaniya, iyo sugaan halgameed badalay dareenka kasoo qayba galayaashii madasha fadhiyay.

Sidookale waxa munaasabada kasooqayb galay Masuulyiin farabadan oo kasocday laamaha kalduwan ee hogaanada iyo golaha dhexe ee JWXO iyagoo dhamaantooda carabka ku adkeeyay sida ay muhiim utahay in lasii xoojiyo tayada halganka loona istaago sidii dagaal dhaba loola gali lahaa Gumaysiga Guunka ah ee xooga kuhaysta gayiga somalida ogadeniya.

Gaba gabadii ayuu xidhiidhiyaha wadamada scandanevian ka Mudane Khaliif shaaciyay in wixii hada kadanbeeya jaaliyaduhu sidwada jira uqabsan doonan xaflada sanad Guuradav Taariikhiga ah ee Augost.

ONA/Stockhlom

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay