Wuxuu Hogaanka Abaabulka iyo Arimaha Ururka JWXO ee HAAU uu Hambalyo iyo Bogaadin qaali ah udirayaa dhamaan shacabka Ogadeniya ee xornimo doonka ah, Ciidanka Wadaniga Xoraynta Ogadeniya-CWXO, Madaxda iyo Kaadirka JWXO iyo dhamaanba Jaaliyaadka Somalida Ogadeniya meel walbooy joogaan Sanad-guurada 30-naad ee ka soo wareegtay Aasaaskii Jabhadda Wadaniga Xoraynta Ogadeniya (JWXO/ONLF).

Jabhada ONLF oo muujisay 30-kaa sano ee lasoo dhaafay mintidnimo ayaa waxay si heer qaran ah oogu guulaysatay inay meel mariso Qadiyadda iyo Mabaadi’da Siyaasadeed ee lagu baadigoobayo madaxbanaanida dalka iyo shacabka Somalida Ogadeniya taasoo gumaysigu uusan waxba ula kalahadhin siduu usoo afjari lahaa oogana hortagi lahaa rabitaanka Shacabka S.Ogadenya.

Hogaanka HAAU wuxuu Hambalyo iyo Bogaadin diiran hawada usoo marinayaa dhamaan Jaaliyaadka S.Ogadenya ee kuguulaystay ineey sihagar la,aan ah uxusaan munaasabadan 30-aad ee kasoo wareegtay aas aaskii jabhada ONLF. Sidoo kale waxaan aad oogu mahadnaqaynaa dhamaan Jaaliyaadka sida qiimaha badan diyaar garawga iyo tabaabushayga oogu jira ineey qabtaan xuska munaasabadan taariikhiga ah maalmaha soosocda haduu eebuhu yiraahdo, waxaanan leenahay sanad guuro wanaagsan meel kastood joogtaanba.

Oogu dambayntii, wuxuu Hogaanka HAAU markale bogaadin iyo hambaliyo usoo gudbinayaa Jabhadda ONLF oo dhidibada u aastay hirgalinta iyo kamidho dhalinta himilooyinkii loo askumay jabhada iyadoo gumaysiga kunoqotay laf dhuun gashay, fashil iyo filansho waana kunoqotay damaciisa guracan ee ahaa  inuu boobo dhulka khayraadka uu ilaahay kumanaystay Shacabka Somalida Ogadeniya.

Mintid, Midnimo, iyo Isku Tashi, Allahu Akbar

Hogaanka Abaabulka iyo Arimaha Ururka -HAAU.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay