Malintii Sabtida ahay oo ay tarikhdu ku beegnayd  16 August 2014, ayaa waxay ay Jaliyada Ogadenya ee magalada Amarillo gobolka Taxes isugu yimaden kulan ay ku xusayeen munasabada 30 gurada ka soo wareegtay asaskii JWXO.

Munasabadan oo uu ka qayb galay gudomiyaha gobolka Taxes mudane Moxamud Shafi iyo masuliyiin kale o isla gobolkasi dagan ayaa waxaa madasha laga soo jediyay khudbado dhadheer oo tilmamayay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray Halganka xornima doonka ah ee Ogadeia iyo guulaha ay soo hoyiyeen

Dhamanba dadkii munasabadan xuska ah ka soo qayb galay aya waxaa ay balan qadeen in ay dadalkooda sii laban labayan si ay u xoojiyan cududa halganka dibad iyo gude intaba.

Munasabadan ayaa ahayd mid ay si wayn ugu dirsadeen Jaliyada ogadenya ee Amarillo Taxes iyo guud ahanba shacabka Ogadneya.

 

 

ONA,

Amarillo Taxes.

 

 
 

1 Comment

  1. gurmad says:

    Mansha Allah guulaysta halgamayaal midnimo mintid iskutashi iyo guul

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay