Wararka nagasoo gaadhaya Xarunta Dhexe ee JWXO ayaa sheegaya dagaallo dhowr ah oo ciidanka gumaysiga Itoobiya lagu naafeeyay. Dagaalada ka socda gudaha Ogadenya oo maalinle ah ayaa waxay u dhaceen kuwa  aan helnay warbixintooda sidan.

8/8/14 Bari-banaan oo dagmada Dhuxun ee Gobolka Nogob katirsan dagaal ku dhex maray CWXO iyo kuwa gumaysiga waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 2 askari 3 kalana waa lagaga dhaawacay.

9/8/14 Golmeher oo Dagmada Dhagaxmadow katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka daalan ee wayaanaha lagaga dilay 2 askari 4 kalana waa lagaga dhaawacay.

9/8/14 Koodhka oo Dhagaxmadow katirsan dagaal cwxo iyo kuwa gumaysiga ku dhexmaray waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 3 askari 4 kalana waa lagaga dhaawacay.

10/8/14 Hoola oo Dagmada Qabribayax ee Gobolka Faafan katirsan kamiin ay CWXO ka xidheen waxaa soo galay ciidan lug ah oo uu cadawgu leeyahay waxayna qudha kaga jareen 9 askari 13 kalana waa lagaga dhaawacay.

10/8/14 Gurada-xaajiga oo Dhuxun katirsan dagaal xoogan oo CWXO iyo kuwa wayaanaha ku dhexmaray waxaa ciidanka cadawga lagu gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa lahaynin.

12/8/14 Qabridahare weerar habeenimo oo ay ciidanka wadaniga xoraynta Ogadenia kuqaadeen waxay kudileen inta lahubo 1 askari 2 kalana way ku dhaawaceen.

14/8/14 Xamudhlay oo Dagmada Dhanaan ee Gobolka Shabeelle katirsan dagaal ka dhacay waxaa ciidanka wayaanaha loogu gaystay khasaare aan faahfaahintiisa lahaynin.

14/8/14 Dulhowd oo dagmada Dhuxun katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka gumaysiga lagu gaadhsiiyay khasaare naf iyo maalba leh oo aan lafaahfaahinin.

15/8/14 Abqaale oo Dhanaan katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka cadawga lagu gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa lahaynin.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay