Munaasabad ay kasoo wayb galeen dad miisaan wayn kuleh bulashada dhexdeeda, Culimada, ganacsatada, ururada dhaliyarada sida; keenna OYSU Iyo ururka Cayaaraha Dhalinyrada Soomaaliyeed, Uruka Haweenka Ogaadeeniy ee Koonfur Afrika (HOKA) Iyo Hooyoyinka Soomaaliyeed. Sidoo kale waxaa kasoo qayb galay masuuliin ka tirsan Golaha dhexe ee JWXO.

Waxaa saamayn wayn kulahaa munaasabadda Kooxda Birjeex oo wacdaro kadhigtay munaasabada.

Munaasabadan oo loosoo abaabulay si heersare ah ayaa u dhacday sidii loogu tala galay waxayna noqotay mid Saamaysa bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Koonfur Afrika.

Gudoomiyaha Faraca Halagame Bashiir Muxumed ayaa taariikh halgameed Soomaalida Ogaadeeniya si tafatiran uga akhriyay munaasabadda wuxuuna gudoomiyuhu qudbadiisa ku faah faahiyaya mudada dheer oo halgan taariikhi ah ay umadu kusoo jirtay. Isla markaana halgankan hadda socda ee JWXO hogaaminayso uu yahay kii ugu dheeraa laguna guulaysan doono Inshaa Allah.

Munaasabadan waxaa si waafi ah hadal iyo wacdi uga soo jeediyay culimada Gobolka ee caanka ah oo uu ka mid yahay Fadiiladu sh Nadiir iyo culimo kale.

Guud ahaan munaasabadda Faraca Port Elizabeth waxay ahayd mid aan abid ka dhicin goobtaas ayada ah oo horay u haan jirtay xarunta JOKA.

27-08-204 ayaa lagu wadaa munaasabada ugu way Kooonfur Afrika ee 30Guurada JWXO in ay ka dhacdo waxaana si wayn looga dareemayaa magaalooyinka Johannesburh iyo Pretoria.

Kala soco wacdaraha Warfaafinta JOKA.
ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay