Jaaliyada Somalida Ogaadenya ee  kudhaqan Magaalada Sydney ayaa kuqabatay xaflad siheersare ah loosoo agaasimay taasoo lagu maamuusayay 30 guurada kasoo wareegtay aas-aaskiiJabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenya  (JWXO), waxaana xaflada ka soo qayb galay inta badan bulshada Soomaaliyeed ooy hormuudu ahaayeen Jaaliyada Somalida Ogaadenya  ee xaflada soo qabanqaabisay waxaa kaloo lagu casuumay munaasabadan  siwanaagsana ooga soo qaybgalay Jaaliyada Oromia ee kudhaqan magaalada Sydney.

 

 

 

 

 

 

Xaflada waxaa si hufan u daadihinayay Mudane Siciid Beerdilaacshe oo dadkii soo qaban qaabiyayna kamid ahaa waxayna ahayd  mid aan nooceeda magaalada Sydney loogu qabanin  mudadii lasoo dhaafay oo taariikhda Sydney meel wayn kagashay, waxaa lagu furay Aaaydo Qur’aan ah waxaana si rasmi ah xaflada ufuray Halgame Shukri Shafeec  oo dadwaynihii madasha iskugu yimid sidiiran usoo dhaweeyay una mahadceliyay kadib heestii calanka Ogaadeenya ayaa siwanaagsan loogu wada luuqeeyay.

Jawigu madasha xafladu kasocotay wuxuu siweyn isu badalay markuu shirka soo gaadhay Gudoomiye kuxigeenka ONLF Mudane Dr. Mohamed Ismacil Cumar oo kamid ahaa saa-aasyaashii ONLF,  Mudane  Dr. Mohamed  Ismaaciil ayaa hadalkiisa kubilaabay bogaadin, amaan & mahadcelin xoogan oo uu ujeediyay hawlwadeenada Jaaliyada Somalida Ogaadenya ee kahawlgala magaalada Sydney oo todobaadadii udambeeyay si aad ah oogu mashquulsanaa udiyaar garowga xafladan maata laqabtay.

 

 

 

 

 

 

 

Dhanka kale Jaaliyadda Somalida Ogaadenya ee kahawlgasha gobolka New South Wales ee dalka Australia ayaa shahaado sharaf gudoonsiisay Gudoomiya K/Xigeenka ONLF Dr. Mohamed Ismaciil Cumar oo kamid ah aas-aasayaayaashi Ururka ayagoo Jaaliyadu ubaxna luqunta ugaliyay siweyna oogu faraxsanaa heerkuu ururkii ay aas-aaseen gaadhay maanta oo meelo badan oo aduunka kamid ah looga dabaaldagayo sanad guuradiisii 30-aad.

Mudane Dr. Mohd Ismacil Cumar wuxuu  madasha xafladu kasocotay kajeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysay wuxuuna kawaramay aas-aaskii ONLF, baahidii keentay & caqabadihii faraha badnaa eey soojiidheen  intii Halganku socday wuxuuna ku nuuxnuuxsaday marxaladihii kala duwanaa eey halganka ONLF lasoo mareen isagoo tilmaamay inay meel lagu naaloon karo maanta soo gaadhsiiyeen.

 

 

 

 

 

Waxaa isna xaflada kahadlay Xoghayaha guud ee Ururwaynaha OYSU Halgame Jamaal Ugaas Xukun Axmed oo hambalyo udiray ururka ONLF & guud ahaan bulshada Somalida Ogaadenya,  Halgame Jamaal ayaa aad u amaanay aas-aaseyaashi ONLF oo uu tilmaamay ineey umada Somalida Ogaadenya mustaqbal wanaagsan uhorseedeen taasoon maanta guulihii ay inoo horseeday kuwada naaloonayno.

Mudane Mohamed Ibrahim ayaa isna madasha kahadlay dadka xaflada joogayna umahad celiyay kana hadlay awooda ONLF & gumaysiga Ethiopia siduu oogu fashilmay qorsheyawgiisa. Mudane Mohamed Ibrahim wuxuu xusay ineey  gumaysatada Ethiopia borabagaandhadeeda kuguul daraysatay wuxuuna umada Soomaliyeed ooga digay ineeysan dhagarta gumaysiga kukadsoobin.

 

 

 

 

 

 

 

Dad badan ayaa xaflada kahadlay waxaana ka mida ahaa Ugaas Xukun Xamed Saahid oo waxgaradka Jaaliyada Somalida Ogaadenya ee magaalada Sydney kamid ah, Jamaal Ayuub oo Jaaliyada Oromia matalayay, Maxamed Garabeey oo Jaaliyada Soomaaliyeed matalayay & Marwo Sucaad Cabdi oo afka haweenka Soomaaliyeed ee Magaalada Sydney kuhadlaysay, dhamaan dadkaasi waxay cadeeyeen ineey siweyn oogu faraxsanyihiin sanad guurada 30-aad ee  ONLF oo guul aan layaraysan karin tilmaamaysa dadka madasha kahadlay waxaa kamid ahayd Abwaanad Rooda Ibrahim Cabdi Gurey (Roodo Afjano) oo si aad ah shacbka Somalida Ogaadenya & Ururka ONLF oogu hamablyaysay.

 

 

 

 

 

 

 

Abwaanad Rooda ayaa madasha hadal qurux badan & gabay aad loogu bogay kajeedisay waxayna umada Soomaaliyeed oogu bishaaraysay in ONLF ay gaadhay heer la isku halayn karo ooy dhamaan umada Soomaaliyeed kufaani karaan, “ ilmaha caruurta ah barbaarintiisa hawl culus ayaa loo maraa waxayse waalidkii ku kalsoonaadaan oo in uu iyaga & lafihiisaba anfaco ku aaminaan maalinka uu da’da 30 ka  gaadho sidaas darteed ONLF maanta 30 ayay gaadhay waxayna leedahay awood lagu seexan karo” hadaladaasi waxay kamid ahaayeen khudbadii abwanad Roodo-Afjano.

 

 

 

 

 

 

 

Xaflada waxaa lagu soo bandhigay dhaantooyin & farshaxan aad uqurux badan waxa waxaa hoolka xafladu kasocotay hadheeyay calanka quruxda badan ee soo celinta sharafta Somalida Ogaadenya utaagan waxaa iyana meesha barnaamijka gumaysiga Ethiopia oo dar daaran ah kajeediyay gabdho yaryar oo si talan taali ah uwadaagayay farqiga udhexeeya iyaga & caruurta Ogaadenya kudhalatay waxayna gabdhahaa  yaryari gudbiyeen fariimo dareenka dadka gilgilay Ethiopia-na dhamacholcaysa  kunoqon doona.

Isku soo wada duuboo xafladan oo aad magalaada Sydney looga dareemayay yaa guul kusoo gabgabowday.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay