Waxaa tababar muddo dheer socday loo soo xidhay Qaybta Danab ee CWXO 26-07-2011. Tababarkaas oo ay qaateen dhammaan Taliska iyo Hoggaamiyeyaasha Colalka Qaybta laga soo bilaabo Taliye Unug ilaa Talis Qaybeed.

Tababrkan mudada socday ayaa ku saabsanaa Hoggaaminta Ciidamada xaaladaha dagaalka iyo xiliyada nabada, xidhiidhka dadweynaha iyo arimaha bulshada waxaana bixinayay khubaro ku xeeldheer arimahaas. Dhanka kale waxaa horin gaar ah oo qaybta ka mid ah ayaa loo xidhay iyagana tababar dagaal oo gaar ah.

Munaasabadii qalinjabinta oo si weyn loo agaasimay ayaa waxaa ka qaybgalay madaxda CWXO oo uu hoggaaminayo guddoomiyeha Xarunta dhexe ee JWXO, Taliska CWXO, Saraakiil ka socotay Hoggaanka Gaashaandhig, Xubnaha Golaha dhexe ee ka hawalgala gudaha iyo Kaadir kala duwan oo ka tirsan bulshada. Iyada oo Ciidanka tababar ka loo xidhahayay ay soo bandhigeen tusaale yaal qaali ah oo cadayn u ahaa heerka ay gaadhay aqoontooda ciidan, hoggaamineed iyo tabaha dagaalka.

Naftood-hurayaasha soo dhamaystay tababarka ayaa balan qaday inay si hufan u difaaci doonaan umadooda una deegsan doonaan tababarkii ciidan iyo maamul ee la siiyay. Waxay uga mahadnaqeen dadaalka hogganminta JWXO ugu jirto kor u qaaadida garaadka iyo aqoonta xubnaha CWXO.

Sidoo kale hoggaanka Tababbarada ee CWXO oo ay u mahadceliyeen ayaa dhankiisa ka xusay inay u socdaan qaar kamid ah Qaybaha CWXO tababaro kala duwan oo wax weyn ka badali doona majaraha dagaalada iyo difaaca shacabka, isaga oo raaciyay inuu joogteyn doono hogggaanka tababaradu kobcinta aqoonta ciidan iyo garaadka siyaasigaha ah ee N/huraha CWXO haddii alle idmo.

ONA/Xarunta-dhexe

 
 

8 Comments

  1. waxa guul ah in ay jabhada wadaniga xoraynta heer ogadenia inay CIIDANKEEDA QALABKA SIDA AY TABABAR USOO XIDHEEN KAASOO DHABAR JAB KU AH GAALADA IYO DHIDID DHAWRKOODA WAA GUUL GOBANIMO , ISU TASHI IYO XORNIMO

  2. wardheer says:

    waxa aan aad u soo dhawaynayaa tababarada ay so gabagabaybeeyeen ama loo soo gabagabayyey naftood hurayaasha CJWXO waxa aan rajaynayaa in y wax badan ka badali doonaan xaalada wadanka iyo xasuuqa lagu hayo umadeen dulman waxa aan maanta ku faraxsanahay in ay maanta awood u leeyihiin ceedanka JWXO in uu suu doono ka yeeli karo meeshuu cayimtana uu la wareegi karo meesha uu doonana ku tababaran karo asaga oo aan cidna ka haybaysanaynin waan soo dhawaynayaa anoo ku taageeraya cod buuxa oo aan nusqaan lahayn waxa aana leeyahay naftood hurayaal waan idin garab taaganahay hiil iyo hooba waxa aan nahay kuwa ku taama xoriyada ogadenya waxa aan nahay kuwa niyada idinku haya maalin iyo habeenba waxa aan nahay ku aan marnaba idin hilmaamin guulaysta guulana ha idinla jiro

  3. abdi resak says:

    waxa aan ku faraxsanahay tababarada loo soo dhameeyey hogaaminta ciidanka JWXO tayeeynta ciidamada qaranka Ogadenia waxa aan si wacan ugu mahad celinayaa hogaanka tababarada ee jwxo oo runtii sameeyeey ama muujiyey hawl karnimo iyo firfircooni waana u hambalyeeynayaa waxa aana leeyahay guul iyo gobanimo by abdiresak hussien

  4. asad says:

    waxa aan aad u soo dhawaynayaa tababarada ay so gabagabaybeeyeen ama loo soo gabagabayyey naftood hurayaasha CJWXO waxa aan rajaynayaa in y wax badan ka badali doonaan xaalada wadanka iyo xasuuqa lagu hayo umadeen dulman waxa aan maanta ku faraxsanahay in ay maanta awood u leeyihiin ceedanka JWXO in uu suu doono ka yeeli karo meeshuu cayimtana uu la wareegi karo meesha uu doonana ku tababaran karo asaga oo aan cidna ka haybaysanaynin waan soo dhawaynayaa anoo ku taageeraya cod buuxa oo aan nusqaan lahayn waxa aana leeyahay naftood hurayaal waan idin garab taaganahay hiil iyo hooba waxa aan nahay kuwa ku taama xoriyada ogadenya waxa aan nahay kuwa niyada idinku haya maalin iyo habeenba waxa aan nahay ku aan marnaba idin hilmaamin guulaysta guulana ha idinla jiro

  5. ilyas xassan says:

    as waxan salamay markahore shacabwaynaha ree ogadeniya markalabad cidankaqalabkasida iyo madaxda jwxo uu gu horeyo ad maral maxamad cumar cismaan gudoomiyaha jabhada rabadan kariim in sha lah xoriyada wan gadhidoona takale ad ban ugufaraxsanahay tababar kan udhamaday takale wa ilhay mahadii hadan is kufilanahay haday oqoto khubara cidanka madax ciidan diyara masha alah halkana waxan ku gadhnay mintid midnimo iyo iskutashi cadanka wadaniga xoraynta ogadeniya waxan lee ahay ala hadin xoojiyo

  6. ahmed says:

    aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay awooda ciidan ee maskaxda kudhisan ee ay kusocdaan hogaaminta CWXO iyo qaybaha kaladuwan ee CWXO sidaasi daraadeed waa in aan dhamaan isgarabtaagnaa naftood hurayaasha iyo halganka lamataabtaanka ah ee ciida ogadenia lagaga xoraynayo heeryada Gumaysiga . waxaana gaara ahaan soodhawaynaynaa ciidankan cusub ee tababarka loosooxirayu hada . ALLLLLLLUHU AKBAR . GUUUUUUUUL IYO GOBANIMO

  7. runtii waa wax lagu farxo waana loo baahanyahay in la kordhiyo tayada ciidanka ilaahay haydinla jiro gool iyo gobonomo viva onlf

  8. Geesi says:

    wax baban baan sugayay arinkan waana mid aan aad u soo dhawaynayo oo aan ku faraxsanahay.Guuuuuuuuuuuuul

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay