Waxaa shir muhiim ah isugu yimid maamulka jaaliyad Ogaadeeniya Ee Koonfur Afrika,shirka ayaa ahaa mid aalaaba dhaca badhtamaha sanadka waxaana lagu qiimeeyaa geedi socodka jaaliyada iyo qiimaynta qorshe sanadeedka

Shirkan oo furmay abaarihii 9 ka subaxnimo ee saaka ayaa soo gabagaboobay 9 ka fiidnimo,waxayna gudida dhexe ee JOkA qiimaysay wax qabadkii Jaaliyada mudadii kadanbaysay shirwaynahii Jaaliyada,waxaana la isla qaatay in sidii loogu talgalay loofuliyay hawlihii la astaystay sida:

ABAABUKLA BULSHADA

Waxay jaaliyadu qabatay shirar waawayn oo kadhacay dhamaan wadanka Koonfur Afrika iyo shirar googoos ahaa oo looqabatay bulshada qaybaheeda kala duwan sida. Odayaasha, Ganacsatada, Hooyooyinka iyo dhalinyarada. Dhamaan shirarkaas waxaa looga gollahaa sidii qadiyada Ogaadeeniya Loogarab istaagi lahaa.

Hawalaha siyaasada oo sidii loogu talagay looga libkeenay waxayna Jaaliyadu Fashilisay qorshayaashii Cadawga ee Koonfur Afrika. Waxayna qabatay mudaharadyo waawayn oo lagu muujinayay doorka ay jaaliyadu kuleedahay wadanka koonfur Afrika. Waxay jaaliyadu dardargalisay dacwadii kadhanka ahayd guud ahaanba dhibaatada iyo gabood falada laga gaystay Ogaadeeniya. Gaar ahaan ashkhaasta loo aqoonsaday in ay masuul ka ahaayeen xasuuq wadareedkii kadhacay Ogaadeeniya

Sidoo kale waxay gudida dhexe ee JOKA isla qaadatay sidii loo dhamays tiri lahaa qorshe sanadeedka inta kadhiman.

Shirkan ayaa ugu danbayntii laga soosaaray warmurtiyeed uqeexnaa sidan.

1- Maamulka JOKA waxay hanbalyo iyo salaan udirayaan 30 guurada JWXO oo si heersare ah looga xusay aduunka. Dhamaan shacabka Soomaalida Ogaadenya.
2- Shacabka Ogaadeeniya ee ku mayalka adag xaqooda in aysan marna u liicin cadawga horarka ah ee wakhtigiisu dhamaaday
3- Shacabka soomaaliyeed in ay hiil iyo hooba lagarab istaagaan walaalahooda dagaalka isdifaaca kujira. Uguna hiiliyaan uguyaraan in ay kadaayaan hagardaamada.
4- Maamulka JOKA wuxuu canbaaraynayaa maamaulka TPLF falalka waxshinimada ah ee uu ugaysto shacabka Ogaadeeniya Dibada iyo gudahaba,gaar ahaan falalkii xumaa ee dhacay wadanka Kenya
Gabagabdii iyo gunaanadkii wuxuu shirku beesha caalamka ugu baaqayaa in Qadiyada Ogaadeeniya oo ah Furaha nabada Geeska Afrika Xalkeeda si xeeldheeri kujirto loo eego lana badbaadiyo Nafta maalin walba sida dulmiga ah uga dheelmanasa aduunka

Midnimo. Mintid. Isku-tashi Allaahu Akbar.

ONA/Gumaysidiid
South Africa

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay