Jaaliyada Galbeedka Australia  oo si wayn u xustay 30-guuradii kasoo wareegtay aas-aaskii Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO/ONLF), xaflada oo si heersare ah loosoo agaasimay  ayaa bilaabatay 7:00 (Galabnimo) ee wakhtiga magaalada Perth waxayna dhamaatay 12:am, jawagiga magaalada Perth ayaa habeenki xalay ahaa laga dareemayay dhamaan jawi farxadeed iyadoo ay kasoo qaybgaleen xafladan dawayne aad ubadan isla markaana hoolkii shirku qaadi waayay dad waynihi udabaal degayay sanadguurada JWXO ,waxaa xaflada sanadguurada JWXO ee xalay kasoo qayb galay dhamaan Jaaliyaadka Somalida Ogadenia ee galbeedka Australia  iyo dhamaan jaaliyaadka walaalaha Jamhuuriyada Soomaali, iyo sidoo kale jaaliiyada Oromia ee kudhaqan galbeedka Australia.

Waxaa xaflada lagu furay sidii caadiga ahayd aayado Qur’aanka Kariimka ah waxaana wacdi aad uqiimo badan goobta kasoo jeediyay Halgame Sheekh Abdiqaadir Cali Guray, kadib waxaa cod baahiyaha lagu soodhaweeyay Gudoomiyaha gobalka Galbeedka Australia ( Perth) Mudane Asad Abdulaahi, isagoo aad ooga mahadceliyay dhamaan dad waynihii kasoo qayb galay munaasabada  dabaaldaga 30-guurada jwxo. Kadib waxaa codbaahiyaha lagu soo dhaweeyay isku-duwaha qaarada Pacific-ga  Mudane Adan Abdirahman ( Aden Dakhare) oo ka warbixiyay wax qabadka jaaliyaadka qaarada pacific-ga iyo guulaha uu gaadhay halganka Somalida Ogadenya.
Xidhiihiyaha Munaasabada shirka ahna Agaasimaha wakaalada Fanka iyo Filimada Ogadenia, Abwaan Kaldeeq Muusse ayaa ka akhriyay Qudbadi Gudoomiyaha JWXO Admiral Mohamed Omar Cismaan, ee ku aadanayd 30-guuaradii kasoo wareegtay aas-aaskii JWXO, qudbada Gudoomiyaha JWXO oo dhinacyo badan taabanysay bilawgii halganka ilaa maanta meeshuu halgankeenu marayo ayaa dhamaan dad waynihii wada qiiro galisay. Urur waynaha OYSU fariciisa Magaalada Perth ayaa soo ban-dhigay suugaan halgameedyo isugujira ciyaar dhaqameedyo sida dhaantooyin, Majaajilooyin iyo heeso halgmeedyo, gudoomiyaha ururka OYSU ee Magaalada Perth Mudane Ahib sheikh Adenayaa sheegay  inay sii laban laabi doonaan wax qabadkooda ku aadan kor uqaadista wacyiga dhalinyarada iyo ardayda Somalida Ogadenya ee kudhaqan Perth.
Munaasabada 30-guurada JWXO ayaa kusoo gaba-gabawday farxad iyo damaashaad aad u heer sareeya iyada oo uu jawiga  Magaalada PERTH habeenkii xalay ahaa jawi farxadeed, hadal haynta oogu badana ay ahayd munaasabadan taariikhiga ah eey qabatay Jaaliyada Somalida Ogadenya ee Galbeedka Australia.
F.G. Waxaan idiin soo gudbin doonaa haduu eebuhu yiraahdo barnaamij aad uxiisa badan oo maqal iyo muuqaal ah kaasoo aad rajaynayno inaad kaheli doontaan ee hamoogaanina ONA.
ONA/ Australia
 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay