Dalka Canada waxaa ku nool jaaliyaad aad u balaadhan oo asal ahaan ka soo jeeda dalka S/Ogadenia waana kuwii ka soo cararay dhibaatada dhaqaale, siyaasadeed iyo deegaan ee ka jirta dalkooda Ogadenia waxaa maalin walba soo gaadhaya war  dhiilooyin xambaarsan oo ku wajahan xasuuqa lagu hayo dalkii iyo dadkii ay asal ahaan ka soo jeedeen.Waxay aad uuga soo horjeedaan Joogitaanka xukuumadda Addis Ababa ee dlak S/Ogadenia  waxay ku naaloodaan in ay maruun arkaan Ogadenia oo gumaysiga Abasiiniya ka hoos baxday.Markii aad xaga siyaasada ka eegtana dhamaan waa taageerayaasha halganka hubaysan ee jwxo hogaaminayso.

Waxay hora  muujiyeen banana-baxyo dhawr ah oo looga hortagayo siyaasadda qaybi oo xukun ee gumaysiga,waxay horay uuga horyimaadeen fal kasta oo lagu wax yeelayn karo halganka gobanimo doonka ah ee ka soconaya dalka S/Ogadenia.
10-Apr-11, wafti balaadhan oo ka socday dawladda dhexe ee gumaysiga Ethiopia iyo maamulada maqaar-saarka ah ayaa shir ku qabtay hoyga ardada ee jaamicada Toronto ee magaalada Toronto.qaban qaabada shirkani waxay soo socotay mudo dheer waxayna u jeedadu ahayd in dadka ku hoos dhiban xukuumadda TPLF lagu kala qaybiyo loogana dhaadhiciyo siyaasada iyo tabaha guamaysiga waxayse kala kulmeen waji gabax iyo kala yaac markii ay goobtii soo buux dhaafiyeen kumaan kun oo  qof oo ka kala socday jaaliyadda S/Ogadenia ,jaaliyadda Oramada,qawmiyada Gambela iyo jaaliydda Xabashida ee dalka Canada waxaa lagu soo bandhigay qoraalo iyo cadaymo muujinayay wax yeelada gumaysiga ee xaga siyaasadda dhaqaalaha iyo arimaha bulshada.
Waxaa goobta ku sugnaa saxaafadda guud ee magaalada Toronto oo ay soo jiiteen sawaxanka iyo dhawaaqa banaan-baxayaasha oo ku baxayay sameecado iyo cod baahiyaal aad u awood badnaa waxaa goobu ahayd mid soo jiidatay indhaha iyo dhagaha saxaafada waxaana khal khal la galiyay habsami u socodkii shirka. Markii aad ka fiiriso xaga daba –qoodhiga tira ahaan waxay saxaafadu ku tilmaantay in ay dhamaayeen ilaa iyo tabon rag ah oo  si waji gabax ah u galayay madasha shirka waxaana loogu yeedhayay Xaar wayaane iyo wax lamid ah oo ku baxayay cod-baahiyayaal aad u awood badan balse waxaanu arkaynay qaar ka mid ah daba-qoodhiga oo loo diday in ay galaan madasha shirka iyagoo waliba soo bandhigay warqadihii martiqaadka shirkan xod-xodashada ah.
Taageerayaasha halganka hubaysan ee jwxo ee s/ogadenia ayaa taageero wanaagsan kahelay qawmiyadaha kale duwan ee lagu cadaadiyo gudaha Ethiopia waxay banaan-baxayaashu dalbanayeen isbadal siyaasadeed oo lamid ah kan ka soconaya dalalka bariga dhexe iyo waqooyiga Africa.waxay saxaafadu sigaar ah u danay-naysay qoraalo iyo cadymo ku wajahnaa in la qaban doono badhtamaha bisha soo socota ee May dabad-bax balaadhan oo lagu wado in uu ka dhici doono guud ahaan dibada iyo gudaha dalka Ethiopia waxaana lagu balamay in si wada jir ah lagu soo afjaro xukuumadda dhiig-yacabka ah ee Ethiopia.Tanina waxay daba socotaa hadalkii dhawaan ka soo baxay kt.Zanaawi ee ahaa in dawladiisu la socoto abaabulka ka dhanka ah ee loo adeegsanayo aaladda Facebook.Dadkii faraha badnaa ee ku banaan-baxy waftiga gumaysiga ayaa amaan iyo bogaadin aan la soo koobi Karin u soo jeediyay jaaliyadda S/Ogadenia ee magaalada Toronto iyo nawaaxigeeda sida ay isugu duuban yihiin iyo waliba sida ay uuga soo dhalaaleen in layska kaashado la dagaalinka xukuumadda TPLF.
Qaar ka mid ahaa hogaamiyayaasha qawmiyadda xabashida ayaa ku dhawaaqayay xaar-wayaane,daba-qoodhi iyo halkudhgyo farabadan oo lataaba galay halganka gobanimo doonka ee S/Ogadenia  Calanka dalka S/Ogadenia oo ah mid aan cadceedu habayaraatee ka dhicin ayaa hadheeyay magaalada caanka ah ee Toronto ee dalka Canada.waxaana magaalada Toronto gumaysiga iyo waftiga uu  soo dirsadayba  loogu dhigay cashar uuga xanuun badnaaday kan naftood hurayaasha jwxo uugu dhigaan goobaha dagaalka.Saxaafadda afka Soomaaliga ee banaanbaxan tabinaysay waxay kala ahaayeen Radio Ogal,Idaacadda codka-beesha Somalida,TVga muuqaalka Somalida iyo Dabcan
wakaaladda wararka ee Ogadenia (ONA).
Mohamed Abdullahi
ONA Toronto
 
 

4 Comments

  1. muadin says:

    halkaas kaga haya waynu aargudane inshaa alaah
    kufri iyo wixii ushaqeetaba inagaa kaqaalib noqon iyoguna
    qoomamey kudanbayn ogadeniya haxorowdo
    gumaystuhuna hadhaco alaahu akbar muadin

  2. guulwade says:

    aaad ayaan oogu faraxsanaahy mudahaarka kasocda caalmaka e ay oogasoohorjeedaan guumaysiga wana wax lagu farxo
    shacabyahaw wanagsani kaan weheshaanaatahay midka cadawga wiiqee halgankana wadaatahay walahain kudhaartee mid wadaniyaatahay
    wacadkaynu dhiganan kaan kaleexanbaataahy

  3. ahmed says:

    marka hore salaan dhamaan halgamayaasha reer ogaadenia meelkasta oo ay jogaan kadib waxaan ku farax sanahay dhamaan jaaliyaad ka reer ogaadenia sida heelan ee ay halgankooda ogu diyaar garoobeen hambalyo hambalyo in kastoo ay ka muuu qanin dhamaan muda haraadadii dhacay sida denver colorado oo uu kadhacay mikii ugu weynaa viva jwxo alaahu akbar

  4. abdalla says:

    jaaliaddanada Toronto guulaysta, waa wax loo khushuuco, halganka xaqa ah wax u tarasa, hagardaamada cadawgana soo afjaraysa insha allaah

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay