Manchester, England, Sabti 30.08.14


Jaaliyada Ogaden ee Greater Mancester ayaa soo abaabushay xaflad heersare ah oo loogu dabaaldagay 30Guurada Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogaden.
Halkaas oo lagaga hadlay marxaladihii halganka somalida Ogaden soomaray 30 ka sano ee halganka Ogadeniya JWXO hornuudka u aheyd dadaalka loogu jiro aaya ka tashiga shacbiga Ogaden.

Xaflada 30Guurada JWXO, waxaa lagu soobandhigay hidaha iyo dhaqanka somalida Ogaden, halkaasoo dhaantooyin iyo heeso halganba lagu ciyaaray.

Xiiso gooni ah waxaa lahaa keeg lagu deadbeat midabka cslanka somalida Ogaden oo lagu qoray 30Guurada JWXO ururka haweenka Ogaden ee magaalada manchester iyo sharaxaado kale oo badan oo halkaas ay keeneen.

Ururka Dhalinyarada OYSU Greater Manchester ayaa kaalin weyn ka qaatay xafladan oo jaaliyada u qaabilsanaa qaban qaabada Xafladan sida quruxda badan loogu damaashaaday.

Wariyaha Greater Manchester.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay