Waxaa maanta ooy taariikhdu tahay 1/9/2014 lagu qabtay xarunta ay kuleedahay Jaaliyada Somalida Ogadenya magaalada Helsinki ee caasimada wadanka Finland kulan siwanaagsan loosoo maareeyay. Waxaa kulankan soo abaabulay masuuliinta ururka OYSU/Finland. Kulankan oo dhexmaray OYSU iyo Madax iyo masuuliin ka kala socday Jaaliyado Ajinabi ah oo kudhaqan dalka Finland iyo waliba Masuuliin matalaysay wadanka Finland.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Shirkan ayaa ajendiha oogu wayn ee loosoo agaasimay ay ahayd in lala socodsiiyo Jaaliyaadka Ajinabiga ah ee kudhaqan wadanka Finland xaalada wadanka Ogadenya. Masuuliinta OYSU ee dalka Finland ayaa lawadaagay madaxdii kulankan kasoo qaybgashay warbixino aad uqiimo badan oo daah furaysa xaalada dhabta ah ee kajirta wadanka Ogadenya. Waxaa si faahfaahsan looga wada dooday sidii wax looga qaban lahaa dhibaatoyinka baahsan ee kasocda Ogadenya isla markaana horumar waara loogaadhsiin lahaa shacabka Somalida Ogadenya ee dhibaatooyinka Gumaysigu naafeeyay.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Dhanka kale dhamaan masuuliintii ajinabiga ahaa ee kulankan kaqaybgalay ayaa balan qaaday ineey kaqayb qaadan doonaan kaalin libaaxna ay kagaysan doonaan sidii wax looga qaban lahaa xaalada Ogadenya isla markaana bulshada kudhaqan wadanka Finland loogu wacyigalin lahaa xaalada uu shacabka somalida Ogadenya kusugan yahay.

 

 

 

 

 

Kulankan ayaa kusoo dhamaaday jawi aad uwanaagsan kaasoo la,isku afgartay dhamaan qodobadii iyo ajendihii loosoo agaasimay kulankan. waxaana la,isku balansaday sidii looxoojin lahaa iskaashiga iyo wada shaqaynta kadhaxaysa Jaaliyaadka bulshada ee kahawl gala dalka Finland.

 

ONA / Finland

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay