Jaaliyadda Ogadenya ee magaaladasan Diegoayaa xaflad balaadhan oo lagu xusayay 30Guurada Asaaskii Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadenya isgu yimid 7dii Bishan.

Xafladan oy kasoo qayb galeen martisharaf lagu qiyaasay 300 oo qof ayaa lagu dhigay Double Tree Hotel halkaasoo dadkii kasoo qaybgalay xafaladda ay ka dhagaysteen khudbado ay kasoo jeediyeen dad ay ka mid ahaayeen mudane Axmad Cali Yusuf iyo mudane Cabdullahi Cumar Feen. Waxay si fiican uga hadleen taariikhdii uu soo maray ururka iyo guulihii la gaadhay 30kaa sano iyo xaaladaha siyaasadeed ee Itobiya iyo guud ahaan gobolka iyo saamaynta ay ku leeyihiin halganka ka socda Ogadenya.

Mudane Cadaani Bixi ayaa Skype ahaan kala hadlay dadweynihii isugu yimid xafladda isagoo ka sheekeeyey caqabadihii uu kasoo gudbay ururka mudaduu jiray iyo muhiimadda ay leedahay isku xidhnaanta bulshada si loo gaadho yoolka la hiigsanayo oo ah aaya-ka-tashiga shacabka Somaliyeed ee Ogadenya.

Waxaa kasoo qaybgalay xafladda Dhalinyarada OYSU eesan Diegooo soo bandhigay Dhaanto kala duwan.

Waxaa kaloo kasoo qaybgalay xafladda oo ka qaybgalay maaweelada fanaanada caanka ka ah Waqooyiga Amerika marwo Raxmo Rose oo heeskeedii caanka ahaa ee Digtoor ka qaaday madasha.

Wuxuu ahaa xaflad si fiican loosoo agaasimay oo xasuusta dadweynihii ka soo qaybgalay aan ka bixi doonin muddo.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay