Shirweynaha Jaaliyadaha ee ka dhici doona London wuxuu u leeyahaya shacabka Somaliyeed ee Ogadenya xusuus gaar ah. Sababtoo ah dhibaatada soo gaadhay shacabka Ogadenya tan iyo maalintay Boqortooyada Ingriiska jabisay cahdiguu Ugaas Magan la galay waxaa ka masuul ah Ingriiska. Heshiiskaasi wuxuu dhigayay macnihiisu sidan; Inuu Axmad Magan oo ah Ugaaska Ogaden, uu heshiiska ku cadaynayo in shaqsi ahaantiisa iyo dadka iyo dalka uu masuulka ka yahay iyo  wixii taabacsanba ay Boqoradda Ingriiska ilaaliso, isagoo ballan qaaday inuusan isaga ama midka uga dambeeya xukunka ama dadkiisaba ayna siinin dalkiisa ama kula heshiinin qayb kamid ah dalkiisa dawlad shisheeye ama qof kale, iyadoon la wargalinin oo aanay ogolaanin xukuumadda boqoradda. Wuxuu u qornaa heshiiskaa sida; The agreement: ” I Ahmed Murgan (Magan), Chief of the Ogaden , do hereby place myself, my people, and the country, with its dependants, under the protection of Britannic Majesty the Queen, and hereby declare and I will not, nor shall my successor nor any of my people cede, or alienate any portion of my territories or dependencies, or make any foreign state or person, without the previous knowledge and sanction of her Majesty’s Governmnet.”( reproduced in FitzGibbon, 1985, page 18 ).

Boqorttoyadii Ingriiska si ulakac ayay uga baxday balantii ay la galeen shacabka Somaliyeed ee Ogadenya, balantaasoo ahayd inay Boqoradda Ingriiska Ilaalinayso (the protection of Britannic Majesty the Queen), waxayna dhulkii ay ahayd inay ilaaliyaan ku wareejiyeen cadawgii soo jireenka ahaa ee umadda Somaliyeed, iyagoon warglinin oon rabitaankooda weydiinin siduu dhigayay cahdigii labada dhinac u dhexeeyay (Odayaasha Somalida Ogadenya iyo Boqortooyada Ingriiska). Inkastoo ay ku tilmaameen Aqoonyahanada Qaanuunka Dawliga ah (International Law) inuusan ahayn sharci heshiiska ay Boqortooyada Ingriiska ugu wareejisay Itobiya Dhulka Ogadenya. Waxay yidhaahdeen Qareenadaa dawliga ah sidan; Marka laga fiiriyo dhanka sharciga, Heshiiska 1897 (waxaa kala saxiixday Ingriiska iyo Itobiya) waa mid aan waxba ka jirin sababtoo ah awoodaas ma’anay siinin Somalida dawladda Ingriiska. Somalida ma’aanay siinin Ingiiska awooda ah inay dhul Somaliyeed ku wareejin dawlad kale .. (As a matter of law and fact, the 1897 Treaty was void because it presumed an authority which the  Somalis had never accordedGreat Britain. The Somalis gave no authority to the British to transfer Somali territory to an-other state.)

Waxaa intaaba ka daran, Ingriisku way ogaayeen xaqiiqada ka jirta gobolka iyo dagaaladii u dhexeeyay shacabka Somaliyeed iyo qawlaysatadii Absiinya ee kolba dulaanka uu la socdo dhaca iyo boobka kusoo qaadayay dhulka Ogadenya sida wariyahii Wargayskii Pall Mall Gazette uu kasoo diray Qahira 1897 (Halkan ka akhri).

Hadaba; Shirweynaha Jaaliyadaha ee ka Dhici doona London waxaa laga doonayaa inay Warqaad Rasmi ah u Diraan Dawladda Ingriiska ay ku cadaynayaan dhibaatada soo gaadhay shacabka Ogadenya inay dawladda Ingriiska masuul ka tahay, walina ay wadaan dhibkii iyagoo siiya hantida ku baxda maxaysatada loo yaqaano Liyu Boolis (Hawaarin) ee xasuuqa xad-dhaafka ah u gaystay shacabka. Waxaa laga codsanayaa Shirweynaha inay maxkamad ka furan dalka Ingriiska ku saabsan magdhow in laga bixiyo taariikhdaa madow iyo gaboodfalka ay Boqortooyada Ingriiska kula kaceen shacabkii ay ka saxiixeen inay ka ilaalinayaan xoogag shisheeye, dhibaatadii oo weli halkeedii ka socota.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay