Filimkan waxaa soo diyaariyey isla markaana soo habeeyey Ogaden Research Institute Inc. oo ah Urur Canshuur dhaafa (Non-Profit Organization) saldhiguusana yahay Dalka Maraykanka. Waxaa filimka laga soo ururiyay meela kala duwan sida xeryaha Qaxootiga oo waraysiyo laga soo duubay.

Ururkan Ogaden Research Institute Inc. ayaa ku hawlan daaha ka qaadista: Taariikhda Siyaasadeed, dhaqaale, dhaqan, khayraadka dalka, iyo nolosha dadka Soomaalida Ogaadeenay.

Qaybtii ugu horaysay hawlgalad Ogaden Research Institute (ORI) waxaa ka mid ah Documentary-gan taariikhiga ah, iyadoo kuwa kalena la rajaynayo mastaqbalka dhow.

Filimka oo dhamaystiran waxaa lagu soo bandhigi doonaa xarumaha jaaliyadaha hadii Alle idmo Ciida Ramadaan. Ururada iyo Dawladaha Daneeya Xalaadaha ka taagan Ogaadeenya si gaara ayaa loola xidhiidhi doonaa looguna gudbin doonaa Filimka.

Waxaad kala xidhiidhaan helitaanka filimka cinwaanka ah;

Ogresearch@aol.com

 
 

1 Comment

  1. xassan cali says:

    shacab yahoow wanagsani kan waheshanatahay midka cadawga diidee halgan kabatahay wassas mar unban u aridoona in sha alah

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay