Waxaa maanta oo taariikhdu tahay 12ka Bisha Setember 2014 si rasmi ah uga furmay shirweynihii jaaliyadaha S.Ogadenya oo sanadkiiba mar lagu qabto dalalka caalamka midkood.

Shirweynaha oo ahmiyad gaar ah u leh taariikhda halganka, isagoo kusoo beegmay waqti loo dabaadagayo 30Guuradii asaaska Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadenya ayaa waxaa kasoo qaybgalay wufuud meela kala duwan isaga yimid.

Waxaa shirka kasoo qaybgalay wafdi balaadhan oo ka socda jabhadda oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha JWXO oy wehliyaan Gud.Ku-xigeenka, HAD, iyo madax kale oo Guddiga Fulinta iyo Golaha Dhexe ee JWXO ka socday.

Gudoomiyaha JWXO ayaa khudbad xiisa leh ka jeediyay shirka uu ka warbixiyay halganka shacabka Somalida Ogadenya iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika. Waxaa kaloo khudbado ka jeediyay maanta wufuudii ka kala socotay qawmiyadaha kala duwan ee mucaaradka Itobiya iyo Shirweynaha jaaliyadaha lagu martiqaday. Sidoo kale madaxa ururka caalamiga ah ee UNPO iyo madax kale oo uu ka mid yahay mudane ka socday Baarlamaanka UK ayaa khudbado qiima leh ka jeediyay shirweynaha.

warbixinta Shirweynaha oo muqaal ah ayaad ka daawan doontaan goor aan fogayn IleysTV.

 

 

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay