Waa Maqaal uu ku dhanyahay macluumaad qaali ah oo ka tarjumaya dareenka shacabka Soomaliyeed ee Ogadenya iyo guud ahaan shucuubta jecel inay ku xaliyaan hab casri ah khilaafaadka u dhexeeya dadka wadaaga darisnimada iyo taariikh ku dhisan gumaysi iyo dhul balaadhsi.  Akhri oo la wadaag qoraaga ra’yigaaga.

Aftida Scotland: Dhiirigalin Iyo Tusaale Wanaagsan Ayay U Tahay Shacabka Ogadenia.

Sugiddii dheereed ee aftida madax-banaanida Scotland ayaa ugu danbayntii dhacaysa maanta ooy taariikhdu tahay 18ka bisha September 2014, iyadoo dadka Scotland uu ucodaynayo haa ama maya su’aasha ah in qarankoodu uu noqdo mid kamadax-banaan boqortooyada Ingiriiska. Haddii inta badan codeeyayaashu u codeeyaan haa, Scotland waxay soo afjari doontaa 307 sano ooy la midaysnayd Ingriiska iyo Wales waxayna noqon doontaa dal madax-banaan oo ka kooban dad gaadhaya 5.3 million.

Hadaba, waxaanu eegi arrimo dhawr ah sida aanu uga dhugan karno afitda reer Scotland, kuwaas oo inoo bildhaamin doona faa’iidada aftida Scotland uleedahay dalka Ogadenia ee kujira gacanta gumaysiga Itoobiya. Balse intaanan guda galin arrimahaas iyaga ah, waxaanu ku horayn doonnaa inaan isu ifinno qaabkaScotlandkutimid in afti qabsato ama loogu ogolaado inay madax-banaanideeda u codayso. Waxaan sidoo kale soo qaadan doonnaa halka shacabka Ogadenia ay ilsha kala raaci doonaan aftidaScotland.

Calaaqaadka taariikheed ee ka dhaxeeya Scotland & Ingriiska

Dalka Scotland ayaa ahaa dal madax-banaan oo leh nidaamka Boqortooyada xiliyadii “Middle ages-ka” oo ah inta udhaxaysa qarnigii 5naad ilaayo kii 15naad. Waxaana dhaxmaray dagaallo ba’an Boqortooyada Scotland iyo tii Ingriiska oo iyadu doonaysay in xoog ku qabsato Scotland balaadhisana dhulka boqortooyadu ka taliso si’ ay uhesho khayraadka dhulka iyo cududda reer Scotland. Sanaddii 1707 ayaa waxay labada baarlamaan ee Ingriiska iyo Scotland isla ansixiyeen heshiis midaynayay laabada boqortooyo isla-mar-ahaantaana qaatay magaca ah “United Kingdom of Great Britain”.

Nolosha dadka Scotland maanta ku noolyahay

Haddii aan ku horeeyo dhanka dhaqaalaha, Scotland waxay caan kutahay dhisidda maraakiibta, qodidda dhuxusha, warshadaha sameeya macdanta birta ah iyo wiliba dhawaan oo xeebaha dalka laga helay saliid & gaas. GDP-ga wadanka ayaa ahaa sanaddii 2012 kolka lagu daro saliidda & gaas qiyaastii 150 billion oo Pound. Hadday noqoto in Scotland ka go’do dalka Ingririiska, 95% kaydka shidaal ee fadhiya badda North Sea waxaa hantiyi oo anfacsan dadka reer Scotland, inta la hubana waxay kaydkaa Shidaalka ah sii anfacsan karaan ugu yaraan ilaayo nus-qarniga inagu soo aadan.

Dhanka hantida la xidhiidha gaadiidka maanta Scotland ay haysato ayaa waxaa kamida ilaa 5 airport oo heer caalami ah iyo 11 airport oo waddanka gudihiisa ah. Sidoo kale waxay leeyihiin jidad waawayn oo heer caalami ah, ilaa 340 goob oo tareenka laga raaco kuwaas oo sameeya sanadkiiba in kabadan 62 million safar ah.
Dhanka waxbarashada, Scotland waxay kaga jirtaa Ingriiska iyo caalamka meel aadiyo aad u heersaraysa kolka la dhaho waxbaarshada iyo jaamaacadaha dalku leeyahay. Waxay leeyhiin 15 jaamacadood oo 3 kamida ay galleen 100ka jaamacad ee dunida ugu fiican sanaddii 2012. Sidoo kale waxay leeyihiin tiro gaadhaysa 43 colleges, wuxuuna wadanku soo saara 1% cilmi baadhista aduunka ee la daabaco taasoo kutusinaysa heerkooda aqoon kolka aad barbar dhigto tirada adduunka ay kayihiin.
Dhanka Caafimaadka, Scotland oo codbixintii ahayd sanaddii 1997 ku heshay in iyagu maamulaan caafimaadkooda, waxbarashadooda iyo wiliba inay yeeshaan baarlamaan ugooni ah oo aysan lahaan jirin wixii kadanbeeyay midawgii Ingriiska ee ahaa 1707, ayaa dhanka caafimaadka meel sare kaga jira dunida. Waxay leeyihiin shaqaale caafimaad oo gaadhaya ilaa 150,000 kuwaas ooy kamid yihiin ilaa 47,500 kalkaaliso iyo dhakhaatiir gaadhaysa in kabadan 12 kun. Filashada nolosha ayaa lagu qiyaasaa kolka la eegi tan labka 77 sano halka tan dhadigga lagu qiyaaso 80 sano.

Sababta ka danbaysa aftida shacabka Scotland kol haday sidaas u hormarsanyihiin

Muhiimadda iyo dulucda qoraalku wadto halkan ayaanu ugu tagi doonaa qayb kamida, maxaa yeelay waa su’aal wanaagsan in la iswaydiiyo sababta ku kalifta inay codsadaan afti madax-banaani ah shucuubta caalamka kuwooda barwaaqo sooranta ah sida dalka Scotland ee hadda sheekadiisa aanu wadno, Catalonia iyo Basques oo ah labo gobol oo katirsan Spain, Corsicans oo dooni inay ka go’do France, dadka ku hadla Flemish ee dagan Belgium-ka.

Hadaba, iimaanka islaamka ee qofku leeyahay kolkii laga soo tago, shay la hantiyo ka ugu qiimi badan ayaa ah xoriyadda qofka oo ah xuquuq uu Alle dadka siiyay qof walba balse inbadan oo dadka kamida laga hor istaagay xuquuqdii ay lahaayeen ee ahayd “God given rights”. Xuquuqdaas waxaa kamida oo ugu muhiimsan; xuquuqda go’aan qaadashada qofka ama ummadda, aayo katashiga dadka, higsashada iyo doonidda shaqsiga ama shacuubtu leedahay. Dhamaan xuquuqahaas ayaa ah kuwo caalamku isla ogalyahay kuna xusan Charter-ka United Nation-ka, Article-kiisa 1aad, qodobka 2aad.
Sidaas awgeed, shucuubta kor aanu kusoo xusnay ee ay kamidka tahayScotland ay ugu cuntami wayday nolal barwaaqo sooran ah ooy ku dulmanyihiin, ooysan iyagu waxay dooni meel marin karin, balse dhamaantood looga taliyo dhul aysan raaliba ku ahayn in looga yeedhiyo cashirada.

Waxaa xusid mudan inaan ku darno sababaha ku kalifay in afti madax-banaani ah u hanqal taagto Scotland in taniyo sanaddii 1707 oo ah kolkii ay la galeen heshiiska midnimada boqortooyadii Ingriiska aysan marnaba ka tanaasulin madax-banaanidooda. Waxaa taas inoo muujinaya dagaaladii ba’anaa ee gobanimadoon ee ay la galeen Ingriiska kahor iyo kadibba heshiiskii 1707. Sanaddii 1934kii ayaa waxaa la aasaasay xizbiga SNP oo isagu u olaleeyay in Scotland madax-baani hesho, inbadanna waxay ku guulaysteen in awood dheeraad ah u helaan Scotland iyagoo kolkii danbana ku galay doorashadii sandadii 2011 in afti qaban doonaan haddii lagu doorto codka majoraty-ga ah halkaasooy kuheleen tiradii ay doonayeen 69/129 kursi. Guushaasna waxay usuuro galisay in markale aftida madax-banaanida Scotland kaga soo ansixiyaan si aqlabiyad ah aqalka barlamaanka Scotland, kadibna 15kii bishii October 2012 ay dawladda Ingriiska oo uu horkacayo raysul-wasaaraha dalka Mr. David Cameron u ansixiyo qabsoomidda aftida Scotland taariikhdu kolkay tahay 18/09/2014.

Shacabka Ogadenia maxaa ugu jira aftida madax-banaanida Scotland

Waxaa sidoo kale muhiim ah inaan ogaanno waxa ugu jira shacabka Ogadenia aftida dal kumanaan kun oo kilo meter ka fog oo aynan isku diin, isku midab iyo isku aftoona ahayn.
Hagaag, sidaanu wada ogsoonahay, dulmigu ma yaqaano diin, midab, af iyo waqti toona oo waa musiibo ka mida musiibooyinka bini aadamka ku haysta dunidan ay ku noolyihiin. Waxaa kamida noocyada dulmiga; gumaysiga iyo in ummad jirta loo awood sheegto lagana bannado rabitaankooda, dhisidda mustaqbalkooda iyo xallinta arrimo-maalmeedkooda.

Boqortooyadii Biritish-ka ee Scottish-ku kamidka ahaa, ayaa u sabab ahayd in dalka iyo dadka Ogadenia-ba ugacan galaan gumaysiga madoow ee Itoobiya sanadihii 1948 iyo 1954. Hadaba, waxaanu qodobayn dhawr arrin oo cashir iyo faa’iido u ah shacabka gobanimadoonka ee Ogadenia, kuwaas oo kala ah sidatan;

  • In Qaayaha ugu way ee ummadi leedahay uusan ahayn in hormar iyo nabadgalyo la hantiyo balse ay tahay madax-banaanida iyo in ummaddu xor utahay aayo ka tashigeeda.
  • In gumaysi kalkaalka ku hadaaqaya nabad galyo iyo hormarbaa maanta loo baahanyahay uu xitaa haduu kuwaa laftooda helo dib ugu soo rogaal celin doono baahiddii shacabku uqabay xoriyadda ee gobanimadoonku hormuudka ka ahaa, oo hadiyo jeer wuxuu wareegaba dib uu ugu soo laaban square 1.
  • Inaan laga daalin oradka iyo dagaalka loogu jiro in shacabka uu helo fursad ama afti uu ku ridto codkiisa aayo katashi.
  • Codaynta Scotland waxay saamayn ku yeelan dawladda Ingriiska iyo siday u aragto umadaha la dulmiyay ee sida Scotland udoonaya madax-banaanidooda, taasoo shacabka Ogadenia tusaale usoo qaadan doona fursadda Ingriisku uu siiyay dadka Scotland inay ka helaan gumaysiga Itoobiya.
  • Saliidda iyo gaaska Ogadenia haddii aanan looga faa’iidayn shacabka oo iyagu aysan maamulin 100%, waxaa loo dhoofin 85-ta million ee doonaysa in magaca Itoobiyaan-nimada kuugu soo dhuumato.
  • Waxaa loo adeegsaday shacabkaScotlandsi’ looga weeciyo madax-banaanidooda madaxdii caalamka iyo wiliba dadkii sumcadda lahaa oo dhan oo ooga wada digay in aynan haa u codaynin. Waa in shacabka Ogadenia uusan u dhag dhigin cidda aayo ka tashigooda khalkhal ku beeraysa.
  • Waxaa sidoo kale ka arki karnaa sida Ingriiska iyo gumaysiga Itoobiya ay u kala asal fiicanyihiin, maaxaa yeelay Ingriisku wuxuu qadariyay aftida shacabka Scotland kolkii sidaa noqday rabitaankoodii, halka gumaysiga uu hormuudka uyahay ururka TPLF uu ku gacan seedhay rabitaankii shacabka Ogadenia ee sidaas cod buuxa ku gaadhay aqalka barlamaanka ee Ogadenia sanaddii 1994.
  • Waxaa laga dheehan oo kale in u ogaalanshaha aftida Scotland aysan iska iman ee dabcan uu Ingriisku qiimeeyay jawaabaha uu kaga hortagi karo aftida una soo baxday inuu aqbalo mar haddii shacabku sidaa doonayo isla markaana hantida iyo dhaxgalka jira awgii aysan ku dhicin in carqalad uu abuuro waqtigan la joogo maanta. Sidaa oo kale shacabka Ogadenia waa in rabitaankiisa madax banaani u ku xoojiyo inuu yeesho cudud aanan la rujin karin, isla markaana cadowga ku qasabta inuusan ka war wareegan rabitaanka shacabka.
  • Haddii dadkii barwaaqo sooranka ahaa eeScotlanday u arkeen in lagama-maarmaan tahay xoriyadda iyo madax-banaanida toona, halkee buu joogaa shacabkii wax la’aantu u wahelisay dil, dhac, kufsi, bahdil iyo sidii la dooono lagayeel.

Ugu danbayntii, go’aan walboo uu qaato shacabkaScotland, hanoqdo mid ah haa ama maya inay kamadax-banaanaadaan dawladda Ingriiska ayaa laba jeeraba ah go’aan guul ku fadhiya. Waxaa sharaf u ah in shacabka Scotland uu usoo banaan baxay dhiibashada codkooda si’ ay ugu qancaan kuna ogaadaan halka rabitaankoodu ku biyo shubto. Waxayna ka mid tahay Afti-Kaqaadida shucuubta arrimaha soo afjara dagaalada iyo isnacaybka shucuubta dhexdooda ah, taasoo ku dhamaata inay kuwad noolaadan si nabad galya ah ama noqdaan laba dal oo xor ah oo kuwada nool daris-wanaag isla markaana is xaq dhawra.

W/Q Jamal Xukun
jamalxukun@gmail.com

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay