“Arinta ka socota Jigjiga ma’aha mid ku gaar ah halkaa, ee waa xaalad ka jirta gabiahaan Itobiya”, hadalkaa waxaa laga soo wariyay nin aad ula socda xaaladda Itobiya oo u dhashay qawmiyadda Axmaarada oo ka mid ah maamulka R/wasaaraha Itobiya een awood badan lahayn.

Waxaa ka bilowday Itobiya loolan xoogan oo laba garab iyo ka badan ka dhex socda. Waxaana lagu looltamayaa jagada ugu sareysa dalka ee R/wasaaranimada. Hadaba xaaladda ka socota Jigjiga oo inta badan Kililada ay ka jirto ayaa waxay dadka sida hoos ahaaneed ula socda siyaasadaha Itobiya ay leeyihiin waxaa ka dambeeya ururka TPLF oo doonaya inuu qaskan abuuro kadibna ku eedeeyo R/wasaare Hailemariam Desalegn oon lahayn awood qawmiyadeed, hasa ahaatee ay garab taagan yihiin marka la eego xisbiga talada haya ee EPRDF qawmiyadda Amxaarada iyo in badan oo ka mid ah xildhibaanada Oromada.

Istraatiijiyada TPLF ayaa ah inay qasaan siyaasadda dalka, oo marka ay adkaato inuu xaliyo R/Wasaare Hailemariam Desalegn ay ku eedeeyaan inuusan ahayn nin adag oo dajin kara qaska ka socda dalka sidaa daraadeedna ay lagama maarmaan tahay inuu xukunka iska casilo, haddii kalena waxaa la wareegaya xukunka mucaaradka oo xisbiga Ginbot7 uu hogaaminayo. Arintaa ayay u arkaan EPRDF-tu inay dhamaantood khatar ku tahay.

Hadaba, licbadda ka socota Jigjiga ma’aha mid la doonayo inay soo afjaranto ee waa arin ku xidhan looltankaa siyaasadeed ee ka dhex socda EPRDF-ta gaara ahaan R/wasaare Hailemariam Desalegn iyo ninka doonaya jagadiisa oo ah wasiirka Arimaha Dibadda  Dr. Tedros. Waxayna u muuqata mid sii jiitami doonta oo labada garan ee ishaya midkoodna aanay libinta raacin.

Noora Afgaab/Adisababa.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay