Waxaa socda oo dhamaad ku dhow aftidii laga qaadayay dadweynaha Scotland oo laga codsaday inay kala doortaan Haa (waan ka go’aynaa UK), Maya (waxaan ka mid ahaanaynaa UK).

Sikasta oo aftida u dhacdo, waxay muujinaysaa xadaarada shacabka ku midoobay dalka loo yaqaano United Kingdom oo kala ah; England, Scotland, Wales iyo N.Ireland. Inay ogolaadaan shacabkka Scotland natiijada aftida, kuwa kusii hadhaya Midowga UK ay iyaguna ogalaadaan natiijada ka soo baxda.

Natiijadii oo goor-dhaweyd lagu dhawaaqay ayay dadweynaha Scotland waxay u bateen codka Maya (Kama go’ayno UK), taasoo labada dhanba ay ogolaadeen. Waxaa halkaa ka muuqatay in Aftida loo qaado aaya-ka-tashiga shucuubta aanay macnaheedu ahayn waan go’nay ay tahay in la tixgaliyo taariikhda iyo shucuurta dadka dalbanaya in la weydiiyo rabitaankooda.

Waa guul usoo hoyatay shacabka Scotland oo rabitaankooda loo tixgaliyay.

 

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay