Maanta oo ay taariikhdu kubeegnayd 20/08/2014 ayuu shir ka dhacay xarunta Jaaliyadda Ogaadeeniya Ee Koonfur Afrika shirkan oo u dhexeeyay Maamulka Fulinta Jaaliyadda iyo Gudi, hoosaadka Jaaliyada ayaa ka dhacay Xaafiiska Xarunta Jaaliyadda ee Magaalada Johannesburg.

Shirkan oo kusoo aaday xili xaasaasi ah ayaa lagu falanqeeyay umuuro dhawr ah oo ay ugu horayso dhibaatooyinkii maalmihii ugu danbeeyay kadhacayay wadanka Koonfur Afrika gaar ahaan Magaalada Johannesburg iyo Gobolada qaar kamid ah dhibaatadan oo ahayd dilal kadhexdhacay Soomaalida. arinta oo maamulka jaaliyadu kasoosaaray Baaq kuaadan Beelaha walaalaha ah ee dhibaatadu dhexmaray in xaalada sinabad ah lagu xaliyo islamaraana looga danbeeyo dadka samo jeclayaasha ah (Nabadoon)  wuxuuna maamulku amaan iyo mahadba u celinayaa waxgaradka hada gacanta kuhaya ee soomaaliyeed sida wanaagsan ee Soomaalinimada ah ee ay arinta uwadaan

Jaaliyadu waxay ugu baaqaysaa dhamaan dhalinyarada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwo dhibaatadu gaadhay in aysan sii faysoohin arintan xun ee dhacday laguna koobo meesheeda. Sidoo kalle waxaa shirka lagaga hadlay dhaqdhaqaaqa Cadawga oo arimo cusub kawada Wadanka Koonfur Afrika Kaas oo ladoonayo in dhaliyaro lagu soo abaabulo si midnimada dadka loo burburiyo waxay Jaaliyadu uga digaysaa dhamaan Dhalinta iyo Shaqsiyaadka ku hawlan arimahan in ay ka feejignaadaan dhibaato loo horseedo umada walaalaha ah isla markaana aysan cadawga u abuurin fursado lagu hagardaamaynayo Halganka ka socda wadanka K/Afrika ee lagu garab taagan yahay isdifaaca Shacabka Soomaalida Ogaadeeniya.

Ugu danbayntii shirku wuxuu mahadnaq u celinayaa Jaaliyada Soomaalida Ogaadeeniya ee UK oo si amaanu kujirto uqabtay shirkii Jaaliyaadka Sanadkan ee dhacay bishan 12-14 kii  sidoo kalle waxay jaaliyadu Taageero buuxda siinaysaa dhamaan Go,aamadii dhacal galka ahaa ee kasoo baxay shirka Jaaliyaadaka Sanadkan 2014 ee UK .

Shirkan oo saacado kasocday xaafiirka xarunta Jaaliyadda Ogaadeeniya Ee Koonfur Afrika ayaa si guul ah kusoo dhamaaday .

MAAMULKA Jaaliyadda Ogaadeeniya Ee Koonfur Afrika

midnimo     mintid  isku tashi allaahu akbar

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay