Shir ay soo aagasimeen dhalinta OYSU Finland ayaa waxaa uu ka dhacay maanta oo ay taariikhdu ahayd 20.09.2014 magaaladanHelsinkiee dalkaFinland.

Shirkan ayaa lagu daah furay aayado qur,aanka kariimka ah oo ay intaa kadibna raacday heesta calanka Ogaadeenia, Intaa kadib waxaa shirka furay gudoomiyaha jaaliyada Finland oo ka warbixiyey xaalada guud ee shacabka Ogaadeenia gude iyo dibadba, Waxaana xigay Gudoomiyaha ururka dhalinyarada oo ku nuuxnuuxsaday wax qabadkii ururka iyo hawlaha u yaala ee uu ururku uu higsanayo, Waxaa sidoo kale qudub meelo badan taabanaysay ka soo joodiyey hogaanka xiriirka caalamiga oo qaadaa dhigay tacadiyada ka dhanka ah biniaadnimada ee ay dawlada Itoobiya kula kacdo shacabka Soomaalida Ogaadenia.

Intaa kadib waxaa cod baahiyaha lagu soo dhaweeyey Xildhibaan Rayaale Xaamuud oo shirkan marti ku ahaa, Mudaane Rayaale ayaa halkaa ka soo jeediyey qudbad meelo badan taabanaysay oo dadkii goobta isugu yimid tustay hagardaamada ay Itoobiya ku hayso dhaman Soomaalida meel kasta oo ay joogaanba.

Isku soo duuboo shirka ayaa waxaa uu ku soo gabagaboobay jawi faraxad leh iyada oo ay dhalintu halkaas ku soo bandhigeen cayaaraha hidaha iyo dhaqanka ay Soomaalida ogaadeenia u leedahay.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay