Urur Midawga Dhalinta iyo Ardayda Ogadenia OYSU, qaytiisa xerada Kaakuma ee galbeedka cariga Kenya ayaa shir balaadhan isugu yeedhay ardayda iyo da’yarta Ogdenia ee ku nool xerada Kaakuma.

Shirkan oo ujeedadiisu ahayd in ardayda lagu baro taariikhda iyo muuqaalka wadanka Ogaadenia ayaa shalay si toosa uga furmay xafiisaka ay umada Ogadenia ku leedahay xeradaas.

Waxaa siwaafiya uga soo qaybgalay da’yarta soomalida Ogadenia iyo ardayda Ogadenaia ee ka wax ka barata dugsiyada iyagoo aad ugu riyaaqay taariikh halganka iyo tan bulsha ahaaneed. waxay fahmeen dhalinayarada kasoo qaybgashay sida uu wadan koodu usoo lahaa raad taariikheed dhaxalgal ah oo lama halmaamana u ah halgan ka shacabka Ogadenia ee jilba jiil uga dhaxlayey si looga xoreeyo wadanka Ogadenia Gumaysiga Itobiya.

Waxaa sitoosa ufuray kulanka oo dhan ka ahaa sininaar socon doona muda dheer xoghayaha ururka mudane C/wali nuur, waxaana wacdi diini ah iyo warbixin dheer ka dib lagu soo dhaweeyey Gudoomiyaha jaaliyada Junayd sheekh C/llahi oo ka warbixiyay taariikha Ogadenia iyo tan qaarada Afrikaba.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay