Jaaliyadda Ogaadeeniya ee Koonfur Afrika ayaa shirar ku qabatay meela kala duwan oo wadanka ka mid ah. Shirarkan ayaa waxay ka kala dhaceen caasimada wadanka iyo xarunta dakadaha wadanka ee Durban.

Shirkan oo ka dhacay xarunta ayaa waxaa isugu yimid xubnaha jaaliyada ee magaalada Pretoria, waxaana shirkaa warbixin lawadaagay xubna ay ka mid yihiin Gudoomiyaha Jaaliyada Mudane M Dahir oo ka warbixiyay xaalada wadanka ogaadeneiya iyo arimo xaasaasi ah. Sidoo kale shirka magaalada Durban ayaa ahaa mid miisaan culus leh waxaana khadka Telefoonka kaga qayb galay Xeer-Ilaaliyahay Guud Ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeeniya mudane Maxamed Shariif. Masuulkan ayaa shirka xubnaha Durban uga soo jeediyay warbixin dhinacyo badan taabanaysa isla markaana ku booriyay jaaliyada dadaalka ay wado wuxuuna u rad daarmay in la xoojiyo hawlaha halgan ee ka socda waadanka K/Afrika.

Shirarkan oo ahmiyada loo qabtay ay ahayd sidii loo dhamaystiri lahaa qorshihi Billaha ahaa ee Jaaliyada ayaa kusoo dhamaaday guul iyo hawl qaybsi wanaagsan.

Daawo Sawiradii shiraraka :

ONA.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay