Waxaa Jeelasha caalamka buux dhaafiyay boqolaal Itoobiyaan ah oo u adkaysan waayay nolosha madisho manoolaysada ah ee kajirta dalka Itoobiya. Tahriibayaashan oo isugu jira ragg iyo dumar ba ayaa waxay kusii qulqulayaan wadamo ay kamid yihiin Koonfur Africa, wadamada Khaliijka Carabta, Woqooyiga Maraykanka iyo Yurub. Waxay tahriibayaashu kamid ahaayeen badankood qaybaha kala duwan ee ciidanka maxaysatada Wayaanuhu ay gacanta kuhayaan. Sida qaar kamid ah tahriibayaasha laga soo xigtay waxaa loocarbiyay oo shaqadooda oogu wayni ay ahayd dhibaataynta bulshada rayadka ah taasoo ay u adkaysan waayeen kadibna iskaga soobaxsadeen ciidan kusheega Wayaanuhu horjoogaha kayihiin iyadoo kadoor biday ineey iskaga indho qarsadaan dhacdooyinka xanuunka badan ee kasocda wadanka Itoobiya.

 

 

 

 

 

 

Waxaa xeebaya Yemen iyo Taliyaaniga kuhalaagsamay tiro aan lasoo koobi karin oo Dhalinyaro Itoobaan ah. Sidoo kale waxaa Jeelasha wadamada dariska la’ah Koonfur Africa kujiro boqolaal Itoobiyaan ah oo naf lacaari ah kadib markay u adkaysan waayeen dhibaatada baahsan ee nidaamka Wayaanuhu horjoogaha uyahay ay shacabka kuhayaan.

 

 

 

 

 

 

 

Intaasi waxaa dheer in wadamada reer Galbeedku ay aad ooga qayliyeen tirada Qaxootiga Itoobiya oo mudooyinkii lasoo dhaafay kor ukacday. Hadaba waxaad hoos kafiirisaan muuqaaladan naxdinta badan ee warbaahinta caalamku daah furtay taasoo muujinaysa dhibaatooyinka kale duwan eey kujiraan ama soo food saartay da’yarta Itoobiya oo kaquustay noloshii asaasiga ahayd eey xaqa ulahaayeen sida tacliin tayo leh, adeeg caafimaad oo taabo gal iyo shaqooyin xalaal ah oo kamadax banaan dhibaataynta shacabka tabarta daran.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay