Maanta oo tariikhdu ahayd  28/9/2014 waxaa magaalada Garissa ee Xarunta Gobolka Waqooyi Bari Kenya lagu qabtay shir balaadhan oo ay xubnaha faraca Barsan iskugu yimadeen,  shirkan oo xiisa wayn loo qabay  ayaa  hall-kii lagu qabtay  ay wada yimaadeen xubanaha Faraca Barsan  oo intooda badan ku  labisanaa calanka bilicda san ee Ogaadeenya.

Shirkan oo uu shir gudoominayey Gudoomiyaha Faraca Barsan  Mudane shaafi Cali  ayaa waxa uu makarafoonka ku soo dhaweeyay  sheikh Xadiis oo ayado quraaan ah ku furay iyo wacyi diiini ah kana hadlay sida uu jihaadka waajib u yahay iyo xubnaha  waxa ka saaran kor u qaadista diinta islaamka dhammaan bulshada kuna dhaqmaan .

Gudoomiye Shaafi Cali ayaa waxuu  guda galay war bixino aad  u qiimo badan oo ah mid dal iyo mid dibada iyo mid ka hadlaysa gudaha Ogaadeenya , oo ay soo diyaariyeen xubnaha faraca , waxaa xubnihii aad uga haqab beeleen war bixinada oo meelo badan taabanaysay .

Waxaa loo sii guda galay  shirka qeebihiisa  waxaa marti sharaf ahaa oo codka lasiiyay mudane Cabdiraxman Food oo xubnaha  si adag oola dardaarmay kana war bixiyay wadankii uu ka yimid ee koonfur Africa iyo xubinka sida laga doonayo ee larabo inuu uga soo dhalaalo kaalinta uu bulshada u hayo.

Maamulka ururka OYSU Faraciisa Barsan ayaa si aad ah ooga hadlayn  qaabka OYSU ay u samaysantahay  tariikh kooban  iyo himilooyinka Ururuka OYSU,  waxaana ka hadlay aadna ugu dheeraaday arimahaas iyo arimo kale xoghayaha OYSU  ee Garissa Mudane Maxamed Axmed Godane,  balan qaadayna in wax badan ay kusoo kordhin doonaa guud ahaan halganka gaar ahaan Faca Barsan.

Xubnihii shirka kasoo qayb galay ayaa waxay aad ooga doodeyn  qodobo la hor keenay shirka iyadoo doodii ay si waafi ah uga wada qaby qaateen intii badnayd kasoo qaby galayaashii shirka.

Gabagabadii waxaa lagu soo gaba gabeeyay dhaanto iyo heeso halgameed aad u qiimo badan oo xubnaha dhiigooda aad u dhaqaajisay  looguna talagalay sanadguuradii JWXO ee 30 jirsatay.

Shirka maanta ka dhacay magaalada Garissa oo ahaa mid ahmiyadiisa leh ayaa waxa uu kusoo gaba gaboobay jawi aad u wanaagsan.

Omar Soya

ONA

Garissa

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay