Waxaa shir aad uwanaagsan  maanta isugu yimid gudiga fulinta ee OYSU Melbourne . Shirkan ayaa waxa uu ku saleysnaa sidii looga wada arinsan lahaa arrimo muhiim ah oo kusaabsan abaabulka iyo udiyaar garoowga howlo muhiim ah oo laqorshaynayo  hirgalintooda iyo kamidho dhalintoodu haduu eebuhu yiraahdo. Shirkan ayaa sidii caadiga ahayd lagufuray aayado Quraan ah iyo wacdi diini ah oo aad uqiima badan. Kadib waxaa codbaahiyaha lagu soo dhaweeyay kusimaha Gudoomiyaha OYSU Melbourne Mudane Abditajir ayaa shirka sitoos ah udaadihinaayay.

 

 

 

 

 

Qodobada wax ku oolka ah ee kulankan sida qotada dheer leh loogu falanqeeyay waxaa kamid ahaa; Abaabulka bulshada oo la xoojiyo, munaasabad Ciidul-Adxa oo laqaban doono iyo saminaaro aqoon kororsi ah ooy wada qaban doonaan qeybaha kala duwan ee Jaaliyada Ogadenya ee Magaalada Melbourne.  Dhalintan ayaa waxay sidhiiranaan leh hoosta ooga wada xariiqay sid oogu dhakhsaha badan ee ololo ballaadhan oogu qaadi doonan bulshada Ogadenia iyo guud ahaanba Somalida iyo cid kastsoo qadiyada Ogadenia daneyneysa ama kadamqanaysa dhibaatada uu kujiro shacabka Somalida Ogadenyas ee gudaha kudhaqan. Oogu dambayntii, shirka waxa lagusoo gunaanaday in howlahaasi uqorshaysan ururka OYSU MELBOURNE xil dheeraad ahi iska saraan, shaqsi kastana kasoo bixi doono hawlaha gaarka ah ee loo wakiishay.

 

 

 

 

 

 


Wa Billahi towfiiq.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay