Ma istaahilin inaan ka hadalno, hasa ahaatee meela badan ayaa nalaga soo weydiiyay inaan wax ka dhahno culumada waaweyn ee Somaliyeed ee dalka Ogadenya kasoo jeeda ee marka ay Itobiya wax ku yeesho dad Somaliyeed Muqdisho ilmada hoorinaya oo u fatwoonaya sida saxda ah, islamar ahaataana ogsoon waxa ka socda Ogadenya iyo xasuuqa ay Itobiya ka wado halkaa een hadana ka hadlaynin.

Inay ka hadlaan iska daaye waliba booqasho inaty ku tagaan meela ka mid ah Ogadenya oo gacan-ku-dhiiglayaal ay ogyihiin inay dhiiga umadda faraha kula jiraan intay kusoo dhaweeyaan Jigjiga (Riix halkan) ama Godey hadana iyagoo aad moodo inay kasoo noqdeen dalkii barakaysnaa oo waliba wax aan jirin oo been uu Ilaahay Ogyahay ka sheega booqashadooda.

Sheekh Umal, Shibli iyo Shakuul, midkoodna ma odhan karo waxa ka dhacay ee ka socda Ogadenya ma ogsooni, wax ay Ilaahay la hortagi doonaan marka la weydiiyo sababta ay u qariyeen shahaadada ay ogyihiina iyaga umbaa garan. Waxaase hubaal ah inay ku sumcad beeleen umadda ay ka dhasheen, Somalina ogaatay inay yihiin culumo siyaasadeed ee aanay ahayn culama Rabaani ah. Tawbadase way furan tahay hadaanay iskala weynaanin inay qirtaan gaboodfalka ay ka galeen shacabka Somaliyeed ee Ogadenya ugana hiiliyaan gaalada iyo daalimiinta ay ogyihiin.

Malaga yaabaa Shuyuukhda Umal iyo Shibli iyo Shakuul intay daawadaan filimkan ay soo galiyeen mucaaradka Itobiya kadibna sida mucaaradka Ginbot7 ay ka hadlaan dhibaatadan oy kasoo saaraan fatwada ay mudan tahay?

Waxaa sidoo kale mudan inuu dib u fiiriyo Sh. Umal wareysigan uu siiyay TV-yada ka dibna uu Naftiisa su’aalo maxaan ka odhan doonaa amarka Ilaahay ee ah :

وَلَا تَرْكَنُوا إِلَى الَّذِينَ ظَلَمُوا فَتَمَسَّكُمُ النَّارُ وَمَا لَكُمْ مِنْ دُونِ اللَّهِ مِنْ أَوْلِيَاءَ ثُمَّ لَا تُنْصَرُونَ

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay