Waxaa shalay ciidii barakaysnay ee Ciidul Adxa deeq Udxiya ah ku wareejisay Gudiga Jaaaliyada Ogadenia ee xerada Kaaakuma Ha’ada Agoonta iyo Samafalka ee Ogadenia.

Xerada qaxootiga Kakuma oo ah meel ay ku noolyihiin kumanaan dad ah oo ka soo qaxay Ogadeniya kadib markay u adkaysan waayeen dilka aan loo kala aabayeelayn ee gumaysiga Itobiya uu ka hayo dadka shacabka iyo  xasuuqa, dhaca, iyo barakicinta lagu dalacsiiyo saraakiisha gumaysiga Ethiopia ee ka hawgala gudaha wadanka Ogadenia.

Dadkan Ogadenian ka ah oo wakhtiyo kala duwan soo gaadhay xeradan Kakuma oo hada ku sugan marxalad aad u qalafsan oo nololeed ayaa hadana ku samirsan markay xasuustaan jawiga iyo waaqica ka jira gudaha wadankoodii Ogadenia.

Mar aan waxkawaydiiyay hooyo waayeela oo ninkeedii ku xidhan yahay Jeelka ciqaabta ee Jeel Ogaaden sida ay u aragto nolosha ay kujirto yaa iigu jawaabtay ALXAMDILILAAH hada waxaan joogaa wadan nabad ah, inkastoon qaxooti ahaym caruurtuna si xora wax iigu barato oona arkaynin askar Itobiyaan ah iyo maxaysatadii shacabka uu ku ciqaabayay gumaysiga ee hawaarinta aan u naqiinay.

Dadka uu wajiyadooda ay ka muuqato farxadda ciida hasa ahaatee aad u duruufaysan ayaa hambalyo iyo ducaba u dirahayay dadkoodii ay kaga soo tageen gudaha Ogadenya.
Junayd sheekh cabdulaahi ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay