Wararkii ugu dambeeyay een ka helnay Xarunta Dhexe ee JWXO oo ka warbixiyaya dagaallo badan oo  naftood hurayaasha CWXO  iyo kuwa gumaysiga Itoobiya ku dhex maray meela kala duwan oo dalka ka mid ah. Dagaaladan ayaa ciidanka cadawga loogu gaystay khasaare badan oo naf iyo maalba leh oo aan lasoo tirakoobin khasaaraha soo gaadhay cadawga. Dagaaladaa ayaa intooda badan lagu qaaday ciidanka cadawga ee habka kolonyada ah ku dhex mara dalka waxaana lagaga gubay ugu yaraan afar gawaadhida ciidanka qaada oo halkaa ay ku bakhtiyeen ciidankii la socday gawaadhidaa. Dagaaladaa ayaa waxay udhaceen sidan;

19/9/14 Danood oo Gobolka Doollo kadirsan kamiin ay CWXO kaxidheen waxaa soogalay kolonyo baabuur ah oo ay ciidanka gumaysigu wateen waxaana goobtaas lagaga gubay 1 baabuur oo nooca uuraalka looyaqaana ah waxaana kunaf waayay dhamiin ciidankii saaraa.

20/9/14 Laanjaleelo oo Gobolka Doollo katirsan dagaal culus oo CWXO iyo kuwa cadawga kudhexmaray waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 9 askari 11 kalana waa lagaga dhaawaxay.

23/9/14 Qoriile oo Gobolka Doollo katirsan waxaa ciidanka wayaanaha gubay 1 baabuur oo nooca dagaalka ah waxaana kubasbeelay baabuurkii iyo ciidan tiro badan oo saaraaba.

25/9/14 Bilaye kamiin ay cwxo kaxidheen waxay ku gubeen 1 baabuur oo kuwa ay ciidanka gumaysigu adeegsadaan ah waxaana ciidanka gumaysiga kasoo gaadhay khasaare badan oo naf iyo maalba leh.

27/9/14 Caasimada Gobolka Doollo ee Wardheer dagaal culus oo CWXO iyo kuwa cadawga ku dhex maray waxaa ciidanka wayaanaha lagu gaadhsiiyay khasaare balaadhan oo aan faahfaahintiisa lahaynin.

27/9/14 Bali-wiriir oo Dagmada Shilaabo ee Gobolka Qoraxay katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka gumaysiga lagaga dilay 2 askari 3 kalana waa lagaga dhaawacay.

28/9/14 Shilaabo dagaal kadhacay waxaa ciidanka doolka iyo dulmiga ku jooga ciida ogadenia lagaga dilay 1 askari 2 kalana waa lagaga dhaawacay.

30/9/14 Kalagudubka oo Fiiq katirsan dagaal kamiin ay CWXO kaxidheen waxaa soogalay kolanyo baabuurta cadawga ah waxaa lagu gubay 1 baabuur oo uuraal ah waxaana kunafwaayay ciidan aad utiro badan.

1/10/14 Jeerinka oo Fiiq katirsan kidgooyo ay cwxo kaxidheen waxay ku gubeen 1 baabuur oo ay ciidanka cadawgu leeyihiin waxaana ciidanka wayaana lagu gaadhsiiyay khasaare aad u badan.

2/10/14 Dhaban-adi oo dagmada Fiiq ee xarunta Gobolka Nogob katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka gumaysiga lagaga dilay 2 askari tiro aan laxaqiijinina waa lagaga dhaawacay.

2/10/14 Bashuuro oo Fiiq katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka wayaanaha lagaga dilay 2 askari 2  kalana waa lagaga dhaawacay.

3/10/14 Bawa oo Garigo’an katirsan dagaal culus oo cwxo iyo kuwa gumaysi ku dhex maray waxaa ciidanka gumaysiga lagu gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa lahaynin.

5/10/14 Shafmaroodi oo Dagmada Iimaybari ee Gobolka Shabeelle katirsan waxaa ciidanka saama laluudka ah ee gumaysiga Ethiopia lagu gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa wali lahelin.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay