Maalinimadii Axada taariikhduna ay ku beegnayd 12/10/14 Waxaa xerada Ifo ee deegaanka Dhadhaab ka qabsoomay doorashadii faraca
Miftaxul-xoriyo ee ka howl-gala xerada Ifo.

Xaflada doorashada ayaa bilaabatay abaarihii 2:00 duhurnimo xiliga bariga Africa waxaana sidii caadada ahaydba lagu furay aayado kamid ah qurr’aanka kariimka ah iyo wacdi diini ah waxaana hagitaanka shirka lagu wareejiyay gudigii
doorashada oo mudo dheer kasoo shaqaynayay sidii ay ukeeni lahaayeen xubno tayo leh oo howlaha faraca maamula mudada sanadka ah ee inagu soo fool leh hadii Allah idmo waxayna soo bandhigeen xubno aad utayo badan oo ay ugu talagaleen in lakala doorto iyagoo booskasta ama hogaankasta usoo sharaxay 2 xubnood oo ay isleeyihiin waa kuwo uqalma
xilkan culus in ay faraca uqabtaan.

Muddo gaaban kadib Waxaa la bilaabay inhoray loo amba qaado codaynta waxayna xubnuhu ucodeeyeen si aad uquruxbadan
iyagoo kala dooranayay 12 xubnood oo ladoonayay in ay soobaxaan 6 kamid ah waxayna codayntu udhacday sidii loogu talagalay iyadoo gudoomiye loo doortay halgame Bashiir Cumar oo kamid ah xubnaha ugu
firfircoon faraca Miftaaxulxoriyo.

Intaas kadib gudigii doorashada iyo odayaalsha faraca ayaa khudbado
muhiim ah kasoo jeediyay madasha iyagoo kasoo qaybgalayaasha u
mahadceliyay gudiga cusubna kula dardaarmay in ay xilkooda ugutaan
sidii loogu igmaday.

Waxay sidoo kale u mahad celiyeen gudigii hore ee mudada howsha faraca soohayay oo ay ku tilmaameen kuwo kasoo baxay
sifiicana uqabtay howshii loodiray.

Intaas kadib waxaa lagusoo dhaweeyay gudoomiyaha cusub si uu shirka usooxidho wuxuuna gudoomiyuhu soojeediyay khudbad gaaban oo uu faraca kaga codsaday in ay si wanaagsan ulashaqeeyaan isagoo yidhi
“waxaad igu caawisaan xilkan culus ee aad iigarateen in aan umada uqabto isagoo gudigiisa cusubna kacodsaday in ay siwada jir ah shaqada iyo xilkooda ugutaaaan”.

ONA/Ifo

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay