Waxaan ku balansanayn inaan taariikhda ururka kolba wixii suurtagal ah aan daaha ka rogno, maadaama aan u dabaaldagnay 30Guuradii Ururka in la ogaado goobtii laga soo ambaqaaday iyo siyaasadihii waayadaa uu ururka la falgalayay.

Waxaan maanta idiin haynaa warqad kasoo baxday –Golaha Taliska ee JWXO – oo waqtigaa fadhiyay Xamar, kuna socotay tilmaantii waagaa la siiyay xubnaha dibadda ee ahayd -Ilmo-Guhaad-. Waa warqad taariikhi ah oo soo baxday 1-2-1988. Waxaad ka fahmi looltankii ka socday Xamar ee ururkii WSLF oo markaa sida aad ku arki doontaan warqadda uu Golaha Taliska ku tilmaamay inuu noqday hay’ad ka mid ah Jamhuuruyadda Somaliya. Ereybixinadii waagaa la adeegsanayay ayaa qudhooda taariikhi ah. Waxaa la’isugu dirayay warqadaha Boostada oon amni ahayn sidaa daraadeed, warqadda loo diray xafiiska Xamar oon filayo inuu u diray mudane Maxamad Ismaaciil oo loo doortay inuu noqdo Isu-Duwaha Xafiisyada Dibadda waxaa lagu hagaajiyay “Xaajiya Najma”. Farta qalinka ku qoran sidaan filayo waxaa lahaa Allaha u Naxariistee Cabdi Ibraahim Geele oo ka mid ahaa asaasayaashii ONLF. Waxaan ka cudurdaaranaynaa inaan qarino magacyada anagoo ilaalinaynaa akhlaqda diimeed, hasa haatee marka la qorayo taariikhda siday u tahay loo xusi doono. Waxay ku bilaabatay Warqadda;

Halgamayaal waxaad naga gudoontaan salaan halgameed iyo mid walaalnimo. Salaan ka dib, waanu helay waraaqo badan oo ka mid ahaa kuwa aad noo soo dirteen, kuwii ugu dambeeyayna aad ku soo hagaajiseen (reerkuwait0 magacaan cidiba garananayn oo na khatar galiyay “Xaajiya Najma’. Waxaa kale oo nasoo gaadhay wargayskii KAAH cadadkiisii ugu horeeyay, Carabi iyo Ingriisba.

Halgamayaal waxaan aad uga xunahay in aydaan wax war ah naga helin muddo dhowr bilood ah, hasa yeeshee waxaan arintaas si ahaan sabab u noqday inkasta oo laga yaabo in aydaan garwaaqsan, qudhiganagana aan nala haboonayn; hadana iyada umbaa horjoogsi nagu noqotay. Waana arintan:-

Taariikhda markay ahayd 5.11.87 ayay si lama filaan ah ugu dhawaaqday hayi’adda WSLF in ay qabanayso wax ay ku magacawday shirweyne marka la gaadho 15 Janaayo ee 1988. markay taasi dhacday waxaanu go’aansanay in aanu ka qayb galo tartanka jagada xoghayaha ee haiadda WSLF, , waxaana loo sharxay Magan, waxaa kale oo jagadaas isu sharaxay wadaadkii hayi’adda horeyba wakiilka uga ahaa waa SH.Cabdinaasire, Cabdi Bedel Shuuriye iyo Sheekh Cismaan nin la yidhaahdo.

Arrintaas waxaanu uga dan lahayn dhowr arimood, oo ay ka mid ahaayeen :-

* In aan helo guudah jagada Xoghaya hayi’adda WSLF si aan uga faa’iidaysano dhinacyada dhaqaalaha, isku-xidhka iyo abaabulka.

* In uu gogol dhig u noqdo dagaalka hadhow aan geli doono iwm.

Intaas dabadeed Xaji Qawdhan wuxuu yidhi nimankaas waa in aan la dhex galin nabad galyadoodana hala ilaaliyo ; isaga oo ujeedadiisu tahay in ay gaagaabtu meesha ku amar ku taagleeyaan (maamushaan). Ka dibna waxay qabsadeen waxay ku magacaabeen qabanqaabo, kaas oo uu madax u ahaa (Waa nin Geeriyooday ..)  oo xubin ka ahaa guddigii Somaliya uga qayb galay wada-hadaladii Somaliya iyo Xabashida , ninkaas oo u muuqda nin aan ilaashanaynin sumcadiisa iyo shaqsiyadiisa midnaba. Markaas gudigaas qaban qaabadu wuxuu noqday mid ay maamulaan gaagaabtu wax walbana ay iyagu qabtaan , sabaabtoo ah ninkaas aan soo sheegnay qudhigiisu wuxuu tagay oo kaliya goobta dadka lagu khatalayay ee muuna ogayn sida ay hawsha u socon doonto iyo waxa ay qorshaysteen hayi’addu midna. Intaas ka dib waxaanu galay dagaal aad u balaadhan anaga oo garabsanayna musharaxiintii kala duwanaa ; hasa yeeshee waxaa arintaas gaashaanka ku dhuftay xaaji Qawdhan. Intaas ka dib waxaanu si wadajir ah go’aan ugu gaadhnay in aanu qabsano xerada hayi’adda WSLF , hase yeeshee waxaa naga digay aayar dhuumatadii , waxaana isla habeenkiiba lagu xeeray dhowr guuto oo ciidamada dawladda soomaaliyeed ka kooban , guulwadayaashuna ugu badan yihiin. Dabadeedna markaan aragnay in dawladdu si toos ah usoo faragalisay hawshii ayaan isaga baxnay xeradii iyo qorshihiiba. Ka dibna waxay musharixiintii si wadajir ah go’aan ugu gaadheen in ay ka noqdaan sharaxaadkii jagada xoghaya hayi’adda isla markaana aanan ka qaybgalin shirweynahaas (ku sheegaas) si aanu u raali galino damiirkanaga arrintaasi si aad u wanaagsan bay u fushay , waxaana gaadhnay guul siyaasadeed, waxayna dadweynihii u arkeen WSLF in ay tahay hayi’ad ka mid ah hayi’adaha dawladda waxaana cadaynaya nacaybka ay u qabaan magacaas iyo waxa la halmaala waxaana la gaadhay heer ay dadku ka cararaan wixii ka qayb galay goobtii dadweynaha lagu sirayay iyo kuwa lagu soo doortayba, waxaana odhan karaa waxaa noosoo hoyatay guushii ugu weynayd ee ahayd kasbashada dadka.

Inkastoo aanu kasbanay dareenka dadka iyo taageerahoodaba , badankoodna aanu ku guulaysanay in aan tusno in ay tahay WSLF goob ceebeed , haddana waxaan marna la waayeeynin dad yar oo waraabe qarsoon ah muuqase bani-aadam uga eg. Waxaana weeye kuwa ugu daran ee ujeedadoodu tahay oo qudha in ay qadiyadda iyo shacbiga Ogaadeniya ahaadaan meel lagu ganacsado ama quutul yoonka si kkalad ah looga raadsado, iyada oo ay iska indha tirayaan xaqiiqada iyo mashaakilka ay caalamka oo dhamba ku hayso , hase yeeshee ay garaadkooda la tahay wax ay iyagu sacabka ku qarin karaan. Hadaba dadka sidaas aaminsan waxaa ka mid ah :-

(FG Magacyada ku xusan goobtan waa dad badankood geeriyooday marka ma doonayno inay xusuustaa soo noolayno oo lagu mashquulo.)

Iyo kuwa kale oo badan. Dadkaas waa in lagu cambaareeyaa wargaysyada aduunka iyo kuweenaba. Sida aad garanaysaan dadkaas waa dad badankoodu ay ka tirsan yihiin maamulka dawkadda Somaaliya iyo askartoodaba , iyo kuwo kale oo kuwaas bulshada u hoosaasiya.

Waxyar haddaan idiinka warano shirweyne ku sheegaas dadkii lagu siray kama ay qayb galeene waxay ku tilmaameen maxkamad xukun ka socdo oo kale, waxaa hareeraha ka taagnaa ciidan hubaysan oo ka tirsan guutooyinka qalabka sida ee Soomaaliya, waxaana amar lagu siiyay dadweynaha ka qayb galaya iyo ciidankaba in aan la arki karin laba wada hadlaysa , waxaana dadkii xerada guulwadayaasha ee Afgooye tagay ay kala soo noqdeen yaab iyo amakaak, waxayna qirteen in ay yihiin dambiilayaalmaray arkeen heerka ay arinta mareyso.waxaa kale oo ay wal wal iyo walaac ka qabeen JABHADDA WADANIYIINTA AH EE XOEYNTA OGAADEENIYA iyo ururadii bulshada ee horey uga baxay WSLF oo ayna garanaynin meel ay ku sugan yihiin. Waxaana shirkaas ka qayb galay dad aan ka tarjumi karin dareenka iyo rabista shacbiga, waxaana laga ilaalinayay dhamaanba aqoonlayda iyo indheer garatada shacbiga, waxaana ka qayb galay odayaal ay aad tayadoodu u liidato. Waxay soo go’aansadeen in ay meesha sii joogaan muddo 5 (shan sano0 oo soo socota ah mase filayno in ay sanad dambe sii joogi doonaan marka laga eego qanaca ay markan dadku ka qanceen xaggooda iyo beentoodab. Waxay gaagaabta iyo ———————— ku eedeeyeen Magan in uu wakiil u yahay ONLF.

 

GOLAHA TALISKA EE JWXO.

ONA.

 
 

1 Comment

  1. Bisrat says:

    http://www.youtube.com/watch?v=5sLpVTMB904 ,

    http://econc10.bu.edu/Old_students/bisrat1.htm

    The Tigray People’s Liberation Front supporters within diaspora got the access to financial security more than any other diasporas. Yet their participation in Ethiopias’s development is next to none. In fact they cheat on their taxes while they got incomes both in Ethiopia and in diaspoara at the same time. Most of them don’t even report income in both countries. These Tigray People Liberation Front’s business people got by far the highest percentage of people living both in the diaspora and in Ethiopia simultaneously. They got the nerve to apply for foodstamp and other benefits worldwide while they got incomes higher than any Ethiopian both in Ethiopia and in COUNTRIES WITHIN diaspora. The countries law enforcement would be happy to investigate tips regarding their ellict financial transactions. It is assumed that 85% of TPLF elites-diasporas cheat on their taxes both in Ethiopia and in foreign countries within the diaspora by using their dual citizenship as a cover. Yet the TPLF supporters dual citizens got the nerve to accuse others for cheating on their taxes, in turn commiting larceny by snatching their livelihood by grabbing their lands in the name of funding the GERD project. New York and other parts of the world Oromos need to report all the elite-diasporas that cheat on their taxes to the TAX authorities in foreign countries .We got the power to twist their arms so they stop selling our lands (LIFE) GRAB . Let’s end the stealing of our foods so our people can feed their babies. The people should not resort to abortion or exile just to have enough to feed their babies while the officials sell their lands to foreigners depositing in off-shore accounts to their personal luxury. If we stop the TPLF dual citizens from stealing from Ethiopia we can build many dams without selling the lands. We need to use the legal system in diaspora to stop these people that travel back and forth bleeding Ethiopia dry. FATF is an intergovernmental body whose purpose is to develop and promote an international response to combat money laundering.
    LET US retrieve the stolen money for Oromos and other Ethiopians!
    LET US retrieve stolen money for foreign countries tax payers as well!

    REPORT EVERY SUSPECTED TAX FRAUD, INCOME FRAUD, IMMIGRATION FRAUD , DUAL CITIZENSHIP FRAUD MONEY LAUNDERING BY TPLF ELITES WORLDWIDE!

    http://econc10.bu.edu/Old_students/bisrat1.htm ,

    NEW YORK SHALL BE THE END OF THE ROAD FOR TPLF THIEVES NOT THEIR INVESTMENT PARADISE!

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay