Allah u naxariistee waxaa Malaagada Abu Dhabi ee wadanka Isu-taga Imaaraadka Carabta (UAE) ku geeriyooday Safiir hore Abdi Nuur Ali Yuusuf. Safiirka oo sumcad aad u wanaagsan ku dhexlahaa bulsha waynta Soomaaliyeed ayaa galabta lagu aasay Imaaraadka.

Safiir Cabdinoor Allaha U Naxariistee waxuu ku dhashay Gobalka Jarar. Waxbarashadiisa Diiniga Ah (quraanka iyo cilmiga islaamiga ah) wuxuu ku soo qaatay  isla Goballka jarar. Ka dib wuxuu Waxbarashada Maadiga ah ku dhamaystay Somalia, magaalooyin ka MOQDISHO IYO  KISMAYO.

Waxuu Safiirka AUN shaqoyin kala duwan ka soo qabtey dawladii Soomalia  isagoo lasoo jaanqaaday  xilliyadii Xisbigii xoriyadddoonka ee SYL ilaa iyo burburkii dawladii Somaliya ee 1991.

Waxuu danjire ka soo noqdey badi wadamada khaliijka sida; Oman, Kuwait,  Imaaraadka Carabta iyo Qatar iyo dalka Jabuuti.

Marxuumku Inshaa Alaah, waxuu ka tagay  9 uu issagu dhalay iyo 31 ay sii dhaleen.

Waxaa aaska Marxuumka  oo isla Abu Dhabi ka dhacay ka soo qayb galay bulsho aad u farabadan iyo dublamaasiyiin ay ka mid yihiin Madaxwayenhiii hore ee Somalia Sh. Shariif Sheikh Axmed, Raysal wasaarihii hore ee Somalia  Saacid, Waziirka Arimaha bulshada ee Jubba-land Macalin Maxamed Ibrahin iyo Safiirka Somlia u fadhiya emirates –ka Cabdiqaadi Sheekh.

Gudoomiyaha Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadenya iyo Xubnaha G/dhexe ee JWXO iyo gabi ahaan Bulshada Somalida Ogadeenya waxay tacsi u dirayaan eheladii uu ka geeriyooday Safiir Cabdinoor Cali Yusuf, waxayna Ilaahay uga baryayaan inuu u dambi dhaafo oo naxariistiisa ku manaysto.

ONA.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay