Wafti Ka socda Xarunta Jaaliyada Ogaadeeniya ee Koonfur Afrika (JOKA), ayaa aaday gobolada Western Cape iyo Eastern Cape . Waftidan oo ay kala hogaaminayaan Gudoomiyaha Jaaliyada Mudane Maxamed Daahir iyo Madaxa Abaabulka Iyo Arimaha Jaaliyada Mudane Yuusuf Islaam Ayaa si nabadgalyo ah ku gaadhay goobihii ay u ambabaxeen.

Socdaalka Wufuuda ayaa ujeedadiisu tahay kormeer iyo abaabul, Waxayna Shirar ku qaban doonaan Magaalooyonka Port Elizabeth, Cape town, East London iyo meelo kale oo kamid ah goboladaas.

Waa markii sadexaad oo kormeer noocan oo kale ah xubno xarunta kasocda gaadhaan gobolada ay Jaaliyadu xaafiisyada kuleedahay. Jaaliyada Ogaadeeniya ee Koonfur Afrika ayaa caan ku ah abaabulka bulshada oo u taagan taageerada shacabkooda ku jira halganka ay heeryada gumaysiga doonayaan inay ku tuuraan.

Wixii war ah ee kasoo kordha Kormeerka madaxda jaaliyada kala socda warbaahinta.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay